Sawiro: Ciidanka Amaanka ee DFS oo qabtay Gaari Hub iyo Qaraxyo lagu soo xiray

13 July 2016 (Puntlandes) Ciidamada NISA ee DFS ayaa caawa ganata ku dhigay hub iyo Gaari noociisu yahay Kaarib, kaas oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa.

Qabashada Hubka iyo Gaariga ayaa ka dambeysay kadib markii ay Ciidamada NISA howlgal ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa ka dhex helay Gaariga Walxaha Qarxa, Qoryo, Gantaalada Garabka laga tuuro iyo Foosto ay ku buuxaan Aaladaha Qarxa ee sida daran dadka u waxyeelleeya.

Sarkaal ka tirsan hay’adda NISA ayaa sheegay in tallaabadan ay gacan ku siiyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka laga soo qabtay gaariga iyo hubka kadib markii ay hay’adda ku soo wargaliyeen qatarta shacabka Soomaaliyeed kasoo gaari karta qaraxyadaasi.

13639830_845654655569289_1125245768_o

13709637_845654678902620_950911434_o13709750_845654828902605_1319383953_o

11111

13713362_845654708902617_893188621_n

Puntlandes.com

About The Author