BREAKING NEWS: Gaas oo ku Daray Golaha Deegaanka Gaalkacyo 4 Xubnood oo uu ku soo saarayo Tumey

13 July 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo heshiis la galay Odoyaal uu hogaaminayey Nabadoon Gaani in uu Gudoomiyha Degmada si qasab ah uga dhiga Shaqsi kasoo jeeda Beesha Reer Mahad, kaasoo ay u tilmaameen inuu noqdo Maxamuud Yaasiin Tumey oo iminka ah Gudoomiyaha KMG ee Degmada Gaalkacyo.

226-3

Hadaba madaxweyne Gaas oo fulinaya dalabka Nabadoon Gaani aadna uga Cabsaday hanjabaadaha Beesha reer Mahad uga imaanyey ayaa waxa uu ku daray 4 Xubnood Golaha Cusub ee Deegaanka Degmada Gaalkacyo, kuwaasoo lagula heshiiyey inay Maxamuud Yaasiin Tiumey Codka siiyaan.

Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ka koobnaa 27 Xubnood, balse Gaas oo fulinaya dalabkii Nabadoon Gaani ayaa ku daray 4 xubnood waxayna imainka noqonaysaa 31 Xubnood.

Warbaahinta Puntlandes oo soo uruurisay dareenka Shacanka Degmada Gaalkacyo ayaa ogaatay siadan:

  • Gaas ma inuu wax u qabto Degmada ayuu u yimid Gaalkacyo mise ka shaqaynta Curyaaminteeda?
  • Gaas shalay wuxuu si awood dawladeed ah kusoo saaray Gudoomiyihii uu Cayriyey Nugaal, maxuu kaga duwanaanayaa kana oo uu Gaas sidii oo kale kusoo saarayo qasab?
  • Gudoomiyaha Degmada ma Gaas baa doorta oo cidii uu doonayo ama lagu qasbo keensada mise Shacabka Degmada Gaalkacyo oo soo wakiishay 27 Xubnood ayaa Doorta?
  • Goorma ayey soo dhamaanysaa Riwaayada Degmada Gaalkacyo, oo shacabkeeda Runta arkayaan?
  • Maxaa Shacabka Degmadu canshuurta u bixiyaan?

Puntlandes.com

About The Author