Sawirro: Koonfurta Gaalkacyo oo lagu Aasay mas’uuliyiin Galmudug ah oo ku Geeriyootay Shil Gaari

17 July 2016 (Puntlandes) AUN waxaa Maanta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo lagu aasay Labo Wasiiru Dowle iyo Nabadoon ka tirsan maamulka Galmudug oo Xalay ku Geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay Degaanka Saddex Higle ee Gobolka Mudug iyo askari la socday.

Wasiir Dowlayaasha xalay ku geeriyooday ayaa waxay kala ahayeen wasiiru dowlaha Wasaarada Howalaha Guud iyo dib u dhiska Aweys Cali Saciid, Wasiiru dowlaha maaliyada galmudug Axmed C/llaahi Diiriye iyo Nabadoon Cabdulaahi Yuusuf Guleed oo ka mid ahaa Nabadoonada sida weyn looga yaqaano gobolka mudug.

Aaska ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxwyene ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Cabdi xubna kala socda labada gollle ee dowlad goboleedka galmudug iyo maamulka gobolka iyo kan dagmada.
gl1

gl2

gl3

gl4

gl5

gl6

gl7

gl8

gl10

Puntlandes.com

About The Author