Sawirro: Golliha Deegaanka Degmada Gaalkacyo oo La Dhaariyey

18 July 2016 (Puntlandes) Waxaa magaalaga Gaalkacyo lagu dhaariyay saaka Xildhibaanada cusub ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo oo ka kooban 31 xildhibaan oo afar kamid ah uu kusoo daray madaxweyne Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayna yihiin Haween, waxaana dhaartu ka dhacdey xarunta Guddiga soo xulista iyo dhismaha Golaha Deegaanka Gaalkacyo ka wadaan hawsha.

Munaasabadda lagu dhaarinayay Xildhibaanada cusub ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo waxaa goob joog ka ahaa madaxa Gudiga hagaajinta gollaha deegaanka ahna wasiirka Deegaanka iyo Duur joogta Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame  iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug qaar ka mid ah.

Xildhibaanada cusub ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa la liiskoda la shaaciyey 13kii bishan July waxaana kaloo shalay Gudiga u xilsaaran sheegeen inay dhacyso Doorashada Gudoomiya Degmada Gaalkacyo iyo kuxigeenkiisa maalinta Sabtida ee ay bishani tahay 23ka July 2016.

Waxaa ku tartamaya Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo 4 Murashax waxaana la filayaa inay noqoto Tartan adag.

227-8c2
IMG-20160718-WA0001-360x200IMG-20160718-WA0005IMG-20160718-WA0007IMG-20160718-WA0008IMG-20160718-WA0009

Puntlandes.com

About The Author