Dhagayso: Faahfaahin Dagaalkii ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag

18 July 2016 (Puntlandes) Ciidanka Difaaca Puntland iyo kuwa Soomaaliland ayaa maanta ku dagaalamay deegaamo dhowr ah oo katirsan gobolada Sanaag iyo Haylaan, kadib markii ay Soomaaliland usoo dirtay Deegaanadaas ciidamo.

Dhagayso Warbixino

Dagaalka ayaa waxaa ugu cuslaa sida aan wararka ku helnay kii ka dhacay deegaanka BoodaCadd oo Xiin-galool iyo Dhahar u dhexeeya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay Dawalada Puntland ay halkaasi ku daadguraysay ciidamo, waxaa kaloo halkaas garaay Wasiirka Arimaha Gudaha Axmed LKaraash iyo wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Candi Jamaal.

Gobalka Sanaag ayaa waxaa kuwada sugan waftiyo ka wada socda Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo iskugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil sare.

227-8c1

Wasiirka Warfaafinta Soocadde ayaa sheegay inay Spmaliand kusoo duushay Puntland ayna Afduubatay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland

Dhagayso Wasiir Soocadde

 

Dhanaca kale waxaa warbixin ka diyaarisay idaacda VOA iyadoo ku waraysatay mas’uuliyiin kala duwan, hoos ka dhagayso Warbixinta VOA. wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa ka mida Mas’uuliyiinta ay waraysatay VOA.

Colaada iyo dagaaladan ayaa ka abuurmay kadib markii ay Somaliland halkaas ka bilawday diiwaangelinta.
Puntlandes.com

About The Author