Akhriso Go’aan laga soo saaray dacwaddii xisbiga UCID

21 July 2016 (Puntlandes) Gudiga diiwaangalinta ururada siyaasada Somaliland oo muddo gaaraysa bil iyo bar ku guda jiray sidii ay u xal uga gaari lahayeen khilaafka ka dhex taagan xisbiga UCID ee u dhaxeeya gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musharax Jamaal Cali Xuseey ayaa maanta go’aan kasoo saaray khilaafkaasi.

228-1c1

Kulankii maanta ee gudigan ay goob jaooga ka ahaayeen gudoomiye Faysal iyo musharax Jamaal aeyey waxay kasoo saareen qodobo ay u arkeen inay xal uu u noqon karaan khilaafka xisbiaga UCID.

Qodobadan ay soo saareen gudiga khilaafka ayaa waxa ku jiray in labada garab ee khilaafku ka dhex taagan yahay ay muddo dhan 45 cisho gudahood ku qabsadaan shirwayne aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga UCID taasi oo ka bilaabmaysa 21-01-2016 waxaana maaamulaya gudi 10 xubnood oo ay 5 ba ka imaanayso garab.

Dhanka kalena waxay gudigan ganafka ku dhufteen xil ka qaadistii uu sameeyey gudoomiye Faysal iyaga oo sheegay inay tahay mid aan sharci ahayn.

Halkan hoose ka akhriso go’aanka gudida diiwaangalintu kasoo saareen khilafka xisbiga UCID.

228-1c2

228-1c3

228-1c4

228-1c5
Puntlandes.com

About The Author