Sawirro: Kulan looga hadlayey Qabyaaladda & Saamaynta Dhalinyarada oo ka dhacay Garowe

21 July 2016 (Puntlandes) Hoolka Shirarka ee Machadka SIDRA ayaa waxaa Maanta  ka dhacay kulan Machadku soo Qabanqaabiyay oo looga Hadlayay Qabyaaladda iyo Saamaynta Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Aqoonyahan Ladan iyo aqoonyahan Ubah abdi, Agaasimaha Machadka SIDRA Guuleed, Agaasime ku Xigeenka Machadka Sahra Koshin iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Tigey. Waxaa Kulanka si wwayn loogu lafaguray Qabyaaladda iyo Halkay kasoo Bilaabatay, iyadoo ay ku Tilmaantay Aqoonyahan Ladan in Qabyaaladda uu Isticmaarku inuu Abuuray.

Dadkii ka qayb galay kulanka ayaa waxay soo qaadeen qabyaaladda iyo Dhibaatooyinka ay u gaysatay ama ku Hayso umadda Soomaaliyeed iyo Dawada loo Baahan yahay iyo Kaalinta Dhalinyarada Wax baratay maanta la gudboon.

Kulanka ayaa aad loo mahadiyay lana Codsaday kulamadaan waxtarka Bulshada u leh in la badiyo lana Xoojiyo si aynu Uga Qaybqaadanno Dib u noolaynta Dalkeenna

Xigasho Gudoomiye Maxamed Yusuf Tigey barta uu Facebook ku leeyahay
228-1e

228-1e1

228-1e2

228-1e3

228-1e4
Puntlandes.com

About The Author