Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda oo ku baaqay in la dhiso Xukuumad xilka sii heysa

5 Aug 2016 (Puntlandes) Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda ee dalka oo shalay dood cilmiyeed ka yeeshay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo mowqifkooda ku aadan dhamaanshaha mudada dastuuriga ah ee Barlamaanka iyo madaxweynaha.

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda ee Soomaaliya ayaa shalay 4-8-2016 waxa ay dood cilmiyeed ka yeesheen sharciyadda xiliga kala guurka dalka marka ay idlaato mudada ay ku shaqeyneyso dowlada ee dastuuriga ah, waxaana ka qeyb galay dood cilmiyeedka mas’uuliyiinta ugu sareysa Xisbiyada dalka ka jira, musharixiin u tartamaya xilka madaxweynaha dalka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale oo dooda lagu casuumay.

Dooda Cilmiyeedka oo xubnihii ka qeyb galay ay isla falanqeeyeen xaaladda siyaasadeed ee uu iminka dalku ku jiro iyo waxa la gudboon bulshada Soomaaliyeed marka uu waqtiga ka idlaado dowlada federaalka ayaa mas’uuliyiintii ka hadlay waxaa kamid ahaa, Axmed Macallin Fiqi Xog-hayaha guud ee Xisbiga Daljir, guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Bulshada Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Musharax Madaxweyne Cabdi-raxmaan Cabdi-Shakuur, guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Dimuqraadiga Salaad Cali Jeelle, guddoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda ee dalka Cali Nuux Timajilic, Musharax madaxweyne Canab Maxamed Daahir iyo mas’uuliyiin kale, ayagoona mowqif mideysan ka qaatay mudo kordhin loo sameeyo dowladda uu waqtiga ka dhacayo ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Daawo Tarsan % Fiqi oo sharxaya waxa dhacaya marka uu dhamaado waqtiga madaxda iminka ee DFS

Musharax Cabdi-raxmaan Cabdi-Shakuur oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 10-ka September ee sanadkan uu wadanku galayo halis dhinacyada dastuurka iyo siyaasadda ah hadii aan imika qorshe cad laga yeelan, isagoona xusay in waqtigaasi ka hor ay bulshada Soomaaliyeed la gudboon tahay in ay ka arinsadaan arintaasi.

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Bulshada Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isna kulanka ka hadlay ayaa ku eedeeyay dowlada federaalka in ay sabab u tahay dib u dhaca ku yimid waqtigii loo asteeyay in ay ku dhacdo doorashada Baarlamaaniga iyo tan madaxda ugu sareysa dalka, isagoona tusaale usoo qaatay madasha watashiga qaran oo uu ku tilmaamay in ay tahay waxa ugu weyn ee dowlada ay siyaasadda dalka dib u dhaca ku gelisay, sida uu yiri.

Guddoomiye Tarsan ayaa sidoo kale sheegay in aysan suurta-gal noqon doonin dowlad aan afar sano waxqabad dhab ah la imaan in mudo kordhin loo sameeyo siduu hadalka u dhigay, isagoona dowlada federaalka dusha uga tuuray mas’uuliyadda qatar siyaasadeed oo uu sheegay in uu dalka halis ugu jiro.

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Dimuqraadiga Salaad Cali Jeelle oo mas’uuliyiintii kulanka ka hadlay kamid ahaa ayaa isna sheegay in maadaama ay dowlada federaalka waqtigii loogu talo-galay ku fulin weysay doorashada ay Xisbiyadooda diyaar u yihiin in ayagoo kaashanaya Odayaasha dhaqanka ay soo xulaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka kuwaa oo dooranaya madaxdii badelka u noqon laheyd madaxda uu imika waqtiga kasii dhamaanayo, si buu yiri dalka looga badbaadiyo qatarta Siyaasadeed ee kusoo wajahan.

Salaad Cali Jeelle ayaa xusay in wixii ka dambeeya 10-ka September ee sanadkan ay mas’uuliyadda dalka kusoo wareegayo shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in ay ayaga aayahooda ka tashadaan oo mas’uuliyadooda gartaan.
Musharax madaxweyne Canab Maxamed Daahir oo hadalka qaadatay ayaa waxa ay sheegtay in afar sano oo mugdi ah ay dowlada federaalka u horseeday umadda Soomaaliyeed, imikana aan lagu sii fiiran karin, sida ay hadalka u dhigtay.

Musharax Canab ayaa sidoo kale sheegtay in umadda Soomaaliyeed ay maanta taladooda ayaga u taalo oo aan cid kale lagu haleyn doonin, ayadoona xustay in aan la aqbali doonin in xitaa hal maalin loo kordhiyo dowlada federaalka ee uu waqtiga ka dhacayo.

Xog-hayaha guud ee Xisbiga Daljir Axmed Macallin Fiqi ayaa isna si kulul uga hadlay arinta ku saabsan dastuurka iyo gaabiska dowladda, waxa uuna tilmaamay in Xisbiyada Siyaasadda ee dalka mowqifkooda ku aadan mudo kordhin ay sameysato dowladda uu cad yahay, isagoona sheegay in aysan suurta-gal noqon doonin mudo kordhin ay codsato dowladda federaalka oo uu sheegay in waqtigii wax qabadka laga sugayay ay seexatay, mus’uuliyiinteedana ay danahooda gaar ah ku mashquuleen.

Xog-hayaha ayaa ku taliyay in Odayaasha dhaqanka, Siyaasaiyiinta iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ay isugu yimaadaan shir weyne qaran oo looga tashanayo xaalada uu imika dalku ku jiro iyo sidii dalka looga looga badbaadin lahaa khalkhal siyaasadeed oo uu dalku galo.

Waxaa gabagabadii shirweynaha laga soo saaray war murtiyeed ay lagu yiri sidan:

“Hadaba Isbaheysiga Xisbiyada siyaasadda dalku waxa ay hoosta ka xariiqeen in madaxweynaha iyo golaha barlamaanku marka uu waqtigooda dastuuriga ah dhammaado in aysan sharci aheyn waqti kororsi kasta oo ay sameystaan, muddo kasta oo ay noqoto, ayadoo loogu baaqayo in ay banneeyaan xafiisyada, isla markaana wareejiyaan hantida qaranka ee ay gacanta ku hayaan ayagoo la soo mid noqonaya musharixiinta kale ee u tartamaya xilalka waaweyn ee dawladda.”” ayagoo ku soo gabagabeeyey warkooda soo jeedintaan:

“Isbahaysigu wuxuu soo jeedinayaa in la dhiso xukuumad xil sii hayn (caretaker government) marka ay dhamaato muddada dastuuriga ah ee hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta. Xukuumadaas waa in hogaamiyaan xubno xirfadlayaal (technocrat) ah, magacna ku leh bulshadda dhexdeeda. Xubnahaas waa in aysan wax xil ah ka damcin doorashooyinka labadda gole iyo ta madaxweyne.

Dhamaan madaxda Xisbiyada, Siyaasiyiinta, iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb galay dood cilmiyeedka ayaa isku raacay in ay sii socdaan shirarka iyo doodaha noocaan ah ee looga arinsanayo badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso Qoraalka Isbahaysiga

War-murtiyeed-isbaheysiga-pdf

229-7c1

229-7c2

229-7c3

229-7c4

229-7c5

229-7c6
Puntlandes.com

About The Author