Sawirro: Madaxweynaha DFS oo Caawa La Kulmay Saraakiisha Ciidamada XDS & AMISOM

6 Aug 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Caawa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan Casho Sharaf ah ugu sammeeyay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Kulanka ayaa Waxaa goobjoog ahaa Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Safiirada dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo kulanka Cashada ah kadib hadal dardaaran u jeediyay Saraakiisha Ciidamada, ayaa faray in la xoojiyo howlgalka kadhanka ah Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.

Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ay sugaan ammaanka Goobaha ay doorashada ka dhici doonto, si looga hortago iskuday kasta oo kooxaha argagixisadu ku doonayaan in ay ku carqaladeeyaan Ammaanka goobaha loo qorsheeyay in doorashadu ay ka dhacdo.

Sidoo kale Madaxweynaha DFS ayaa soo hadal qaaday shirka Bisha Septembar ay martigalindoonto Soomaaliya, kaas oo uu Mudane Xasan Sheekh Xusay in lagu qiimeyn doono Xaaladda Ammaanka iyo isabadalka dhinaca hormarka ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya.

IMG_3375IMG_3377IMG_3379IMG_3380IMG_3381IMG_3382IMG_3383IMG_3386IMG_3390IMG_3400IMG_3401IMG_3402IMG_3403IMG_3404  IMG_3406IMG_3408IMG_3410IMG_3411IMG_3412IMG_3413IMG_3415IMG_3416IMG_3417IMG_3418IMG_3419  IMG_3421IMG_3422IMG_3423IMG_3425IMG_3427IMG_3428IMG_3429IMG_3431IMG_3434  IMG_3446

Puntlandes.com

About The Author