Beelaha Dega Sool, Sanaag Bari & Buhodle oo loogu daray 2 xubnood oo Aqalka Sare ah, 1 xubin ahna Somaliland looga soo jaray

9 Aug 2016 (Puntlandes)  Shirkii Madasha Hogaamiyayaasha qaranka ee kusoo dhamaaday galabta magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah go’aanadii kasoo baxay in la go’aamiyey in loogu daray Somaliland 2 Xubnood oo Aqalka Sare ah, iyadoo wadarta Xubnaha Somaliland ee Aqalka Sare ay noqonayso 13 Xubnood.

229-8e2

Kadib Madashu waxay go’aamisay in Beelaha Dega Sool, Sanaag Bari & Buhodle (Dhulbahante iyo warsangeli) looga soo jaro Somaliland 3 xubnood oo Aqalka Sare ah, halka 3 kalena ay ka helayaan Puntland.

Halkaas waxa ay ay Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle ku heleyaan 6 Xubnood, waxaase ay Madashu go’aamisay in 1 Xubin la siiyo qabiilada laga tiro badan yahay ee dega degaankaas.

Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ayaa Aqalka Sare ee Soomaaliya ku lahaanaya 5 iyagoo qayb ka ah Puntland halka ay beelaha laga tiro badan yahayna ka helayaan 1 Xubin. Guud ahaan Puntland ayaa Aqalka Sare ku lahaaanaysa 14 Xubnood, halka ay Somaliland helayso 10 Xubnood.

Waxaa xusid mudan in 3 da Xubnood ee Puntland ay ku imaanayaan sida ay Xubnaha kale ee Aqalka Sare ee Puntland ku imaanayaan iyadoo ay dawladu soo magacaabayso waxaana kala dooranaya Baarlamaanka Puntland halka ay 3 da kale ay soo Xulayaa Odoyaasha Qabiiladaas ee Puntland iyo Raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inay Raysul wasaare kuxigeenka DFS Maxamed Cumar Carte iyo Wasiir Mareeye iyo ay shirka uga baxeen iyagoo ka xanaaqsan go’aankaas.

Halkan ka akhriso Warmurtiiyeedkii Madasha

Puntlandes.com

About The Author