Daawo Video: Somaliland oo Xalay Hor Istaagay Qabsoomida Bandhig Faneed ay Qaban lahayd Fanaanada Nasteexo Indho “dhaqan Xumo ayuu u horseedayaa Dhalinyarada”

14 Aug 2016 (Puntlandes) Wararka Warbaahinta Puntlandes kasoo gaaraya Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in xalay ay hor istaageen ciidamada booliska Somaliland qabsoomida bandhig faneed ay hotel Crown ku qaban lahayd Fanaanada Nasteexo Indho.

229-5a3

Hotelkii lagu qaban lahaa bandhig Faneedka ayaa waxaa soo buuxdhaafiyey ciidamo tiro badan, iyagoo masuuliyiinta Hotelka ku amray inaan wax bandhig Faneed ah lagu qaban Karin Hotelka.

Daawo wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland oo sheegay inuu Amray joojinta Bandhig Faneedka Fanaanada Nasteexo Indho

Amarkan lagu joojiyay bandhig Faneedkan ayaa waxa bixiyay sida uu sheegay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, waxana uu sheegay in bandhig faneedkani yahay mid dhaqan xumo u horseedi kara dhalinyarada Somaliland, wasiirku ma uusan faahfaahin sababta uu bandhig Faneedka Nasteexo Indho ugu horseedayo Dhalinyarada Dhaqan Xumo maadaama horay Hargaysa loogu qaban jiray bandhig Faneed aysana dawlada Somaliland hor istaagi jirin

Somaliland ayaa sidaay ku horjoogsatay bandhig Faneedkii Nasteexo Indho, iyadoo wax lagu Qoslo lagu sababeeyey taasoo aan horay uga dhicin magaalada Hargaysa.

Puntlandes.com

About The Author