Shirkii Golaha Wasiirada Jubaland oo qodobo muhiim ah looga hadlay

Kulanka Khamiislaha ahaa ee Golaha Xukuumada Jubbaland oo uu maanta shir Gudoomiyay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin

Hindiso sharciyeedkii dhulalka ay dowladdu leedahay ee ay shacabku deganyihiin oo ay shaley baarlamaanku ansixiyeen.

Golaha Xukuumadu waxaa ay soo dhaweeyeen Ansixinta Golaha Baarlamaanku uu meel mariyay qodobkaas waxaana ay isku raaceen

In la sameeyo guddi wacyi galin oo dadka lahadla kahor inta aan lafulinin hindisahan iyadoo Xukuumadu ay sida ugu dhaw u samayn doonto gudigaas oo shaqadooda guda gali doona kahor kulanka soo socda ee Xukuumada

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gudbisey miisaaniyadda 19ka wasaaradood iyo hay,adaha kale ee Dowladda .

Miisaaniyadii Hore ee ay meel mariyeen Baarlamaanka ayay Wasaaradda maaliyaddu ku dartay Wasaarado Cusub taas oo ka dhigaysa miisaaniyada 19 Wasaaradood oo kamid ah Xukuumada.

Wasaaradaha Madaxtooyada iyo amniga ayaa kaalmaha ugu horeeya kaga jira kala saraynta miisaaniyadda.S09A0652

S09A0655

S09A0656

S09A0657

S09A0670

……………………DHAMAAD ……………………….
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA JUBBALAND EE SOOMAALIYA.

About The Author