Sawirro: John Kerry oo la kulmay qaar ka mida Wasiirada Arrimaha Dibadda Bariga Afrika

22 Aug 2016 (Puntlandes) Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa magaalada Nairobi kula kulmay qaar ka mida Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka Bariga Afrika.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa kala hadlay wasiiradan xaalada Koofurta Sudan iyo Soomaaliya, iyadoo kulankan ay ku sugnaayeen Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Koofurta Sudan.

John Kerry ayaa sheegay in loo baahan yahay in xasilooni loogu soo dabaalo dalka Koofurta Sudan oo dagaalo ahli ah ay ka qarxeen dhamaadkii sanadkii 2013.

Mr Kerry ayaa sidoo kale kala hadlay Wasiiradda Xaalada Soomaaliya, iyadoo dhowaan la isu diyaarinayo doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay inay isha ku hayaan xaalada doorashooyinka Soomaaliya, ayna rajeynayaan in doorashooyinka ay ku dhacaan jawi wanaagsan.

kerry-wasir1kerry-wasirakerry-wasiro

29061385391_e47b0fdedf_k

Puntlandes.com

About The Author