Daawo Video-Dhagayso: Garaad Jaamac Garad Ali oo taageeray Heshiiska Galayr & Somaliland Xusuusin hadaladii Garaadka VS Garaad Saleebaan & Xussusin!!!!!

31 Aug 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa Akhristayaasheeda usoo gudbinaysa Muuqaal ah Garaad Jaamac Garad Cali oo taageeray Heshiiska Cali Khaliif Galayr  uu ugu biirauy Somaliland, isagoo Tuulada Saaxdheer kula shiray Isimo uu soo diray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo kasoo jeeda Beesha Habar Jeclo.

230-6a2

Garaad Jaamac ayaa sidaa isagoo ku faraxsan ku biiritaanka Somaliland waxa uu cod dheer ku leeyahay inay Walaalo yihiin uuna ka shaqaynayo Nabada labada Beelood ee Dhulbahante iyo Habar Jeclo.

Daawo Garaad Jaamac oo amaanaya Somalilaand

Warbaahinta Puntlandes  oo kaydkeeda dib u baartay ayaa heshay waraysi uu Garaadsku siiyey idaacadda VOA da kaasoo uu si aad u Xun oo dhaqanka ka baxsan uu ugu WEERARAY gal Xusuusin hadaladii Garaadka Saleebaan Garaad Maxamed kadib markuu Juy 2014tii tagay Caasimada Puntland ee Garowe.

”Hashii arwkeedii diidaa ee awr kale u hoyataa afartaba dab laga saar waa abaahi beeshaa” ayuu yiri Garaad Jaamac oo ka hadlayey tagida Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ee Garowe.

Dhagayso ”Hashii arwkeedii diidaa ee awr kale u hoyataa afartaba dab laga saar waa abaahi beeshaa” Garaad Jaamac oo ka hadlayey tagidii Garowe ee Garaad Saleebaan  

Daawo kaydka taariikhda ee Garaad Jaamac Garad Cali oo u hadli jiray sidii ruux aan Hadalkiisu Qabad lahayn

  • Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Dawladda iyo Shacabka reer Puntland ku sheegay ” PINTI- LAND ” oo ah ”Dhulkii Naagaha”

Daawo Garaad Jaamac oo si Xeerka Soomalida ka baxsan Beesha Habar Jeclo ugu dhaaranaya  (ka bilaabo 1 daqiiqo iyo 50 seken inkastoo ay haboon tahay waa taariikhe inaan wada daawoto)

Daawo Garaad Jaamac oo dhahaya Aniga iyo Galayr ku biiri mayno waligayo Soomaliland kuwa waxaas wadana waa beenaalayaal….. (ka bilaabo 4 daqiiqo iyo 34 seken inkastoo ay haboon tahay waa taariikhe inaan wada daawoto)

Puntlandes.com

About The Author