Daawo Sawirrada: Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamanka oo la kulmay haweenka ku jira Baarlamanka F. S.

4 sept 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay haweenka xubnaha ka aha Baarlamaanka Federaalka iyo haween ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah.

Kulankan oo looga hadlayey qoondada 30% ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha Qaranka, ayaa Madaxweynaha waxaa uu haweenka u sheegay in shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha ee bishii August lagu go’aansadey in si buuxda loo fuliyo qoondada haweenka ee doorashada 2016-ka.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha Qaranka, iyagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka.

qoso_1qoso_2qoso_3qoso_4qoso_5qoso_6

Puntlandes.com

About The Author