Somaliland: Ciidamo Tiro Badan oo lagu Daad Gureeyey 6-dii Goobood ee Muranku ka taagnaa Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha & Xiisad Colaadeed oo jirta

4 sept 2016 (Puntlandes) Wararka ay helayso Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in xalay Ciidamo tiro badan ay xukuumadda Somaliland u daad guuraysay lix goobood oo ku yaala ”waqooyiga hargeysa”  oo ay xukuumadda Somaliland ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka qabsoomayso diiwaangalinta codbixiyayaashu, halka ay dadka deegaankaasina ay kasoo horjeedaan.

158ab

Ciidamadan oo aad u tiro badan ayaa xalay saqdii dhexe qiyaastii 3-dii habeenimo laga daadgureeyey Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyagoo Fariisin ka samaystay lixda goboood ee waqooyiga Hargeysa oo mudooyinkii u danbeeyeyba sansaan colaadeed laga dareemayay.

Deegaanadan ay ku yaalaan 6 da Goobood ayaa laga dareemayaa sansaan colaadeed isla markaan ay buuraha galbeedka Gobolka Awdal ay galeen Ciidamo la magac baxay JBBC, kuwaasoo kasoo horjeeda qabsoomida diiwaangalinta lixdan goobood.

Puntlandes.com

About The Author