Dhagayaso: Faahfaahin Khasaraha dagaalkii la isku Habeensaday ee ka dhacay Duleedka Gaalkacyo

5 sept 2016 (Puntlandes) Wararka kasoo gaaraya Warbaahinta Puntlandes goobtii uu dagaalku ka dhacay ee Konfur bari magaalada Gaalakacyo ayaa sheegaya inuu dagaalkaasi sababay khasaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagaalka ayaa waxa uu ku blaamay kadib markii ay Malayshiyo ka amar qaadata maamulka Galmudug ay maanta soo weerareen Xoolo dhaqato kasoo jeeda Puntland oo deegaankaas Xoolo ku raacanayey.

Dagaalkaas Xoolo dhaqatadu waa iska difaacday Malayshiyadii adeegsanaysay Baabuurta ay Soomaalidu u taqaan Teknikada ee Galmudug iyagoo 4 ka dilay halaka dhanka Puntland uu ku dhintay 1 nin.

DAGAAL-GAALKACAYO-3

Gurmad Cadaado uga yimid Malayshiyada Galmudug

Malayshiyada Galmudug oo Gurmad xoogan uu Cadaado uga yimid ayaa galabta waxay dagaal ku soo qaadeen Xoolalaydii Isdifaacaysay ee kasoo jeeday Puntland halkaas waxaa ka dhacay dagaal aad u culus oo dhaliyey Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Gurmadka Cadoodo ka yimid ayaa waxaa qayb ka ahaa Ciidanka DFF ee fadhigiisu yahay Degmada Cadaado iyagoo taageerayey Malayshiyada maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow9 oo waraysi siiyey Radio Daljir ayaa sheegay in uu maamulka Galmudug weear kusoo qaaday Xoolalay reer Puntland.

Dhagayso Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif

Dagaalkaas Culus ayaa Xoolalyda reer Puntland waxay uga dileen Malayshiyada maamulka Galmudug 8 iyagoo dhaawacuna uu ka badan yahay.

Dhanka Xoolaylayda ayaa khasaaruhu yahay 2 dhimasho ah iyo 4 dhaawac ah. Waxaana dagaalku socday ilaa fiidnimadii Caawa iyadoo la is dul fadhiyo aysana jirin wax waan waan ah.

Waxaa laga yaaba berri subax in dagaalo Qaraari sii socdaan gobahaas maanta lagu dagaalamay marka iyadoo labada dhinacba ay heleen Gurmad balaaran.

Dagaalada ayaa miyiga Ceel badaale gaar ahaana halka lagu magacaabo docolo oomane oo ku beegan Koonfur Barri Gaalkacyo.

Dhanka kale Nabadoon Raage Maxamed Gaani oo Radio Gaalkacyo waraysi siiyay ayaa ka waramay sida wax u dhaceen, waxaana uu sheegay in weerarka ay soo qadeen markii hore Maleeshiyaad iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug.

”Waxaa weerarka soo qaaday Ciidan Galmudug ka tirsan, waxaan anagu aragnay khasaare xoogan oo dhanka Galmudug soo gaaray, dhankeena waxaa jira dhimasho iyo dhaawac” Ayuu yiri  Nabadoon Raage gaani.

Dhagayso Nabadoon Raage Maxamed Gaani


Puntlandes.com

About The Author