Madaxweynaha Jubaland oo Muqdisho kusoo noqonaya galabta kadib Safar gaaban oo uu ku aaday Kismayo

11 sept 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa Saaka u dhoofay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland, isagoo halkaas ku gaaray Safar qaadanaya Sacado kooban.

196-12-kopia

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isla Galabta dib ugu soo noqonaya magaalada Muqdisho oo uu ka socdo Shirkii Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka.

Axmed madoobe ayaa u amba baxay Kismaayo isagoo halkaas kula soo kulmayo Saraakiil sare oo ka socota Beesha Caalamka kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan arimaha Amniga, kullankaas oo aha amid horay loo sii qorsheeyey.

Qaar ka mid ah Saxaafadda Soomaalida ayaa qortay inuu Axmed Madoobe Shirka ka carooday, waxna kama jiraan wararkaas sheegaya in uu shirka ka carooday.

Puntlandes.com

About The Author