TACSO: Caaqil C/laahi Faroole oo lagu Aasay Garowe & Bahda Puntlandes oo Tacsi u diraya Qoyskiisii

Allaha u naxariistee waxaa galinkii danbe ee maanta lagu Aasay Garowe Maydkii Marxuum Caaqil Cabdulaahi Sheekh Maxamed Maxamuud (Faraweyne) oo ahaa nabadoon Caan ka ah Puntland oo dhan gaar ahaan Gobolka Nugaal.

AUN Aaska Marxuum Caaqil Cabdulaahi Aw-maxamed Faroole, oo la dhashay Madaxweynihii horre ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole Islamarkaana ah Aabiha Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne, ayaa waxaa ka qeyb galay Aaskiisa Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, Issimo,Culimo udiin, Nabadoono,Saraakiil,Saxaafadda iyo Dadweyne aad u fara-badan.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne kuxigeenka Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay ayaa uga tacsiyeeyay Qoyskiisa, qaraabadiisa iyo Asxaabta uu ifka uga tagay AUN Caaqil Cabdulaahi Awmaxamed Maxamud (Faraweyne)

Warbaahinta Puntlandes oo Tasci diraysa

Bahda Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ifka uga tagay AUN Caaqil Cabdulaahi Awmaxamed Maxamud (Faraweyne), waxayna si gaar ah ugu Tacsiyeynayaa WARIYE Abshir Cabdulaahi Faraweyne iyo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne iyo Qoyska reer  Faroole meel walba oo ay joogaan.

aabe
Marxuum Caaqil Cabdulaahi Faraweyne

Taariikhda Marxuumka oo kooban.

Marxuum Faraweyne wuxuu ka mid ahaa ragii  fara ku tiriska ahaa ee ku tilmaamnaa geesinimada iyo kartida, waxaana lagu xasuustaa dhacdadii 1985tii uu qudha uga jaray libaax ku qaatay duleedka tuulada reemanti ee Gobolka Nugaal , isaga oo adeegsanaya marxuumku labadiisa gacmood oo aanan sidan hub uu kula dagaalamo libaaxa.

Caaqil Cabdulaahi Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa ahaa  nabadoon  caan ka ah deegaanada Puntland gaar ahaan Gobolka Nugaal, Wuxuuna ku dhashay degmada Eyl sanadkii 1947-dii , Isagoona ahaa da,da ku xigtay oo labo sano ka yareyd Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud

Nabadoon Cabdulaahi Maxamed Faraweyne, wuxuu ahaa shaqsi xushmad & ixtiraam badan oo si weyn loogu yaqaan ka shaqeynta danta Bulshada, wuxuu ahaa xaafidul QUR’AN Salaad badan.

Wuxuu ka mid ahaa qaban qaabiyayaashii dhismaha Dowlada Puntland 18 sano ka hor, wuxuu ahaa Abaabulihii isku keenida beelaha Harti, wuxuu ahaa Odoyaashii kaalinta weyn ku lahaa gogol fidintii ugu horeysay shirkii 1998 ee Puntland lagu dhisay, wuxuuna ku bixiyey dhaqaale, wakhti iyo dulqaad badan midnimada Puntland.

Marxuumku waxa uu ifka uga tagay 19 qof oo gaareyso duriyada ay sii dhaleen guud ahaan Boqol iyo Todoba (107) ruux , wuxuuna mudooyinkii danbe ku xanuunsanayey marxuumku hoyga uu ka daganaa magaalada Garowe, halkaas oo uu ku geeriyooday abaaro duhurnimadii maanta.

Daawo Aaska Marxuum Faraweyne.

123457891011131415121122123

dsc00303dsc00305dsc003061dsc00309dsc00312dsc00313dsc00314dsc00315dsc00302dsc00307

About The Author