Warbixin-Video-Sawirro: Madaxwaynaha Somaliland & Wafdi ka socday dalka UK oo isku afgaran waayey doorashada Somaliland!!!

15 sept 2016 (Puntlandes) Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaaa maanta xafiiskiisa ku qaabiiley wafti ka socday dawlada Ingiriiska oo uu hogaaminayey Agaasimaha Wasaarada Arimaha Dibada dawlada Ingiriiska iyo safiirka dawalda Ingiriiska u Fadhiya Soomaaliya.

Waxaana kulanka si adag loogu hadlay arimaha doorashooyinka Somaliland ee la filayo inay qabsoomaan bilowga sanadka soo socda ee 2017 iyo go’aankii uu dhawaan madaxwayne Siilaanyo ku kala qaaday labada Doorasho ee madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada.

Waftigan ayaa madaxwaynaha kala hadlay in aanay Beesha Caalamka iyo Deeq Bixiyayaashu toona aysan raali ka ahayn in lakala qaado labada Doorasho laakiin ay doonaayaan inay ku qabsoomaan xilligii loo asteeyey doorashooyinka oo ah bisha march sanadka 2017-ka, sidoo kalena waxay waftigani sheegeen in deeq bixiyayaashu ay isha si adag ugu hayaan go’aankaasi uu qaatay madaxwaynuhu ee uu ku kala qaaday labadan doorasho aanayna raali ka ahayn.

Madaxtooyadda Somaliland ayaa dhankeeda ku adaysatay go’aankii ay ku kala qaaday labada Doorasho, waxayna sheegtay inaysan marna ka laabanayn.

Xog ogaal u dhuun daloola shirkii maanta ayaa Warbaahinta Puntlandes u xaqiijiyey in Wafdigan Dalka Ingiriiska ka socday ay aad uga caroodeen go’aanka madaxwaynaha ee kala qaadista labada Doorasho iyada oo ay hore dib u dhac ugu timi doorashadii madaxtooyada Somaliland oo balanku ahaa inay qabsoonto 26-June ee sanadkii ina dhaafay ee 2015-ka.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in waftigan markii ay kulanka kasoo baxeen ay diideen inay la hadlaan warbaahinta oo iyagu kulankani dabad joog ka ahaa.

 

 

230-9d2

230-9d7

230-9d1

230-9d3

230-9d4

230-9d5

230-9d6

Puntlandes.com

 

About The Author