Daawo-Akhriso: Musharaxiin Madaxweyne & Siyaasiyiin baaq kulul ka soo saaray Beledweyne

17 sept 2016 (Puntlandes) Musharaxiin Madaxweyne iyo Siyaasiyiinta Isbahaysiga Isbedel Samaynta Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa maanta soo saaray baaq aad u kulul oo ka dhan ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo Kursiga isaga fadhiya, kadib markii ay kulan la qaateen Oday dhaqameedyada uu hoggaaminayo Ugaas Xasan.

Musharaxiinta Isbahaysiga ayaa ku baaqay in dalka oo dhan laga bilaabo olole loo mideysan yahay oo ka dhan ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.

Siyaasiyiintii ka hadashay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaa ay ka digeen dib u dhac ku yimaada waqtigii doorashada loogu tala galay inay ku dhacdo.

Cabdiqaadir Barnaamij ayaa gaba gabadii kulanka ka akhriyay baaq  ka kooban dhowr qodob oo ay soo saareen isbaheysiga Is bedel sameynta Soomaaliyeed, waxaana uu u qornaa Baaqa sidan:

Isbahaysiga Isbadal Sameynta Soomaaliyeed

Coalation for Change (C4C)

BAAQA BELED-WEYNE

Kadib markii uu Isbahaysigu dhagaystay aragtida iyo talooyinka Ugaasyada Reer Hiiraan waxay soo saareen  Baaqa B/weyne.

1-    Isbahaysigu wuxuu adkaynayaa in madaxweynihii hore ee Somaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu xilligiisu ku ekaa 10 Setembar, 2016, wuxuu dalbayaa inuu si degdeg ah xilka ugu wareejiyo gudoomiyaha Baarlamaanka sida ku cad qodobada 91 & 96 ee dastuurka.

2-    Isbahaysigu wuxuu dalbayaa in maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe dib looga dhigo Doorashada 2016 ka dib.

3-    Isbahaysigu wuxuu uga digayaa IGAD iyo Beesha Caalamka inay qayb ka noqdaan dhismaha maamul gacan ku rimis ah oo madaxweynihii hore rabo in ay u  adeegto ololihiisa doorashada 2016.

4-    Isbahaysigu wuxuu Gudiga Doorashooyinka Dadban ee Federaaal ugu baaqayaa in ay ka howl bilaabaan Magaalada B/weyne lagana soo xulo xildhibaanada iyo wakiilada aqalka sare Gobolka Hiiraan ka soo jeeda.

5-    Isbahaysigu wuxuu ka digayaa dib u dhac ku yimaad waqtiga doorashada 2016 ee ku eg 30/10/2016, isla markaana wuxuu dhaliilayaa Madasha Qaran iyo Gudiga Dooraashada Dadban oo ka gaabiyey howlahii loo igmaday waana in danta guud laga hormarinin danaha gaarka ah.

6-    Isbahaysigu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iney bilaabaan ololole balaaran oo lagu horjoogsado xukun-boobka rejiimka uu hogaaminayo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud  ee ku  saleysan musuqmaasuq iyo cod-iibsi, ololahaas oo uu halku dhigiisuna yahay “Na dhibtaye ee na dhaaf”.    

7-    Isbahaysigu wuxuu ka mahad celiyay martiqaadkii iyo soo dhaweeyntii balaarneyd oo aysan u kala harin shacabka reer Hiiraan, gaar ahaan ugaasyada uu hogaaminaayo Ugaas xasan Ugas Khalif, wuxuna ka howl galayaa fulinta dardaaranka Ugaas Xasan ugaas Khaliif ee ku aadan dhanbaalka Isbahaysiga in la gaarsiiyo dhamaan Gobolada Soomaaliya.

siyaasisiyaasi1siyaasi2siyaasi5siyaaso4

Puntlandes.com

About The Author