Sawirro: Shirka dib u eegidda Qorshaha Horumarinta 5ta Sano ee Puntland oo Garowe ka furmay

21 sept 2016 (Puntlandes)Kulan ku saabsan dib eegista qorshaha horumarinta 2aad ee 5ta sano ayaa shalay ka furmay xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ku leedahay magaalada Garowe, waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin ka socota dhamaan wasaaraddaha iyo hay,addaha dowlada Puntland, Madaxda ugu sareysa Wasaaradda Qorsheynta Iyo Iskaashiga Caalamiga, Madaxda Xafiiska UNDP ee Puntland iyo Marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland Shire Xaaji Faarax oo ka hadlay furitaankii kulanka ayaa faahfaahin ka bixiyay Ahmiyadda ay leedahay qorshaha horumarinta 5ta shano ee Dowlada Puntland.

Wasiir Shire ayaa sheegey inuu ka danbeeyey qorshaha horumarinta 2aad ee 5ta sano ka dib markii ay cubtami wayday Puntland qorshihii ay horey Dowlada Federalka Soomaaliya ugu magacdartay National Devolepment Plan, Islamarkaana bedelkiisa ay samaysatay Puntland qorshe  muhiim ah oo loogu magac daray Puntland Development Plan 5years.

Wasiir Shire Xaaji Faarax ayaa uga mahadceliyey qeybihii Wasaaradiisa kala soo shaqeeyey qorshahan oo uu ku tilmaamay inuu muhiim u yahay Puntland, Waxaanaa ka mid ahaa qeybihii u mahadceliyey Wasiirku Madaxda Hay,adda UNDP ee Xafiiska Puntland iyo La taliyaasha Wasaaradiisa kala shaqeeya bar naamijkan.

dscn4823dscn4826dscn4830dscn4831dscn4832dscn4836dscn4837dscn4838dscn4839dscn4842dscn4844dscn4845dscn4846dscn4847dscn4850dscn4852dscn4853dscn4854dscn4864dscn4870dscn4904dscn4905dscn4907dscn4909dscn4910dscn4912dscn4913dscn4915dscn4917dscn4918dscn4921dscn4923dscn4924dscn4926dscn4932dscn4933dscn4935dscn4939dscn4940dscn4942dscn4944dscn4946dscn4947dscn4948dscn4949dscn4950dscn4951

Puntlandes.com

About The Author