Sawirro: Dawlada Puntland oo lix Gabdhood Waxbarasho dalka Hindiya ugu dirtay

21 sept 2016 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Qoyska Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa maanta Xafiiskeeda ugu samaysay kulan sagootin ah lix Gabdhood oo Wasaaraddu Waxbarasho Jaamacadeed iyo mid Koorso ugu dirtay wadanka Hindiya .

Kulankan sagootinta waxaa ka qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasimo Waaxeedyada Wasaaradda ,Gudoomiyaha Haweenka Puntland, 6 gabdhood ee Waxbarashada loogu dirayo dalka Hindiya, iyo Wasiirka Wasaaradda Haweenka & horumarinta qoyska Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin.

Lixdan gabdhood ayaa 3 ka mid ah oo laga keenay deegaanada ka fog laamiga dheer waxa  muddo lix bilood ah ay wax kasoo baran doonaan machad la yiraahdo Parefood College oo ku yaala dalka Hindiya, Waxaana la bari doonaa waxbarashada ilayska cad cadeeda ku shaqeeya ee Sollarka, Iyadoona marka ay soo dhamaystaan waxbarashadooda lasoo siin doono qalabka Sollarka.

Sidoo kale Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa deeq waxbarasho Jamaacadeed oo master ah ugu dirtay dalka Hindiya 3  gabdhood  waxaana kala shaqeysay wasaaradda deeqdan jaamacadda oo soconaysa muddo labo sano ah hay,adda UNWOMEN ee Soomaaliya.

Wasiir Aniso Cabdulqaadir Xaai Muumin ayaa uga mahadcelisay dhinacyadii wasaaradeeda kala soo shaqeeyey deeqda waxbarasho ee dalka Hindiya ay ugu dirtay lix gabdhood , Waxayna si gaar ah Wasiirku ugu mahadcelisay Masuuliyiinta Safaaradda Soomaalida ee dalka India ,Dowlada Wadanka Hindiya iyo Hay,adda UNWOMEN.

Waa markii ugu horeysay oo Deeq waxbarasho oo heerkaan gaarsiisan ay Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Qoyska Puntland u dirto gabdho muwaadiniin ah oo u dhashay Puntland, waana talaabo Horumar ah oo ay keentay dawaladda uu madaxweynaha ka yahay Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

img-20160921-wa0003img-20160921-wa0004img-20160921-wa00061img-20160921-wa0006img-20160921-wa0007img-20160921-wa0009img-20160921-wa0011img-20160921-wa0012img-20160921-wa0013img-20160921-wa0014img-20160921-wa0015img-20160921-wa0016img-20160921-wa0017-copyimg-20160921-wa0019-copyimg-20160921-wa0023-copyimg-20160921-wa0027-copyimg-20160921-wa0030-copyimg-20160921-wa0031-copyimg-20160921-wa0032-copyimg-20160921-wa0033-copyimg-20160921-wa0036-copyimg-20160921-wa0037-copyimg-20160921-wa0039-copyimg-20160921-wa0047-copyimg-20160921-wa0050-copyimg-20160921-wa00622-copyimg-20160921-wa0065-copy

Puntlandes.com

About The Author