Akhriso ila QOSOL: Amaro lid ku ah Musharixiinta oo Garoonka Diyaarada Muqdisho la dhigay!!

21 sept 2016 (Puntlandes) Qoraal soo gaaray Warbaahinta Puntlandes oo ka soo baxday Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa xanibaad gaar ah lagu soo rogay Warbaahinta qeybaheeda kala duwan, in aysan Garoonka soo geli karin muddo 60 cisho ah.

Go’aankan ayaa ah mid lid ku ah in Musharaxiinta u tartamaysa madaxtinimada dalkeena ay si xor ah usoo gudbisan karaan aragtidooda Siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo Xor ah, waxayna Xaqgudub ku tahay Hanaan Doorasho oo loo siman yahay.

Go’aankani wuxuu banaanka keenayaa awooda GURACAN ee uu isticmaalayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Musharax Xasan Sheekh, isagoo Musharixiinta la tartamaysa u Isticmaalaya Awwod dawladeed oo ay ahayd sida Sharcigu qabo in loo sinaado.

4

Waxaa dhawaan la filayaa inay Muqdisho soo gaaraan madaxweynihii hore ee DFS Shariif Axmed, Raysul wasaarihii hore ee DFS Saacid iyo madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole oo dhamaantood ah Musharixiin u taagaba qabashada xilka madaxtinimada Soomaaliya, waxaana Muqdisho si xawli ah uga socda Diyaargarowga soo dhawaynta Musharixiintaas.

Akhriso Go’aankaan aadka u foosha xun

231-2b7

Puntlandes.com

About The Author