Sawiro: Kullan Bulsho oo Su’aalo Lagu Waydiinayo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Ka Socda Garowe

22 sept 2016 (Puntlandes) Kullan bulsho oo ay soo qabqaabisay dallada ururadda bulshadda rayidka ee PUNSAA ayaa  ka socoto xarunta nabadda, Horumarinta iyo cilmibaarista ee PDRC, Waxaana ka qaybgalaya Aqoonyahano matalaya bulshadda rayidka, Macalimiinta jaamacadda, dhalinyaro, culuma’udiin haween iyo ganacsato ka kale yimid dhammaan goboladda dalka.

Ugu horrayn waxaa ra’isul Wasaaraha soo dhaweeyay Cali faarax Farmayeeri oo ka mid masuuliyiinta PDRC, wuxuuna uga mahadceliyay aqbalaada codsiga bulshadda rayidka ee inuu ka soo qaybgalo, su’aalana lagu waydiiyo kullanka bulshadda rayidka.

Saynab Ismaaciil Maxamuud Dalladda PUNSAA

Saynab Ismaaciil Maxamuud
Dalladda PUNSAA

Guddoomiye K/xigeenka Dalladda Punsaa Saynab Ismaaciil  Maxamuud oo faahfaahin ka bixiyay kullanka ayaa sheegtay in ujeedada ay u casuumeen ra’isul Wasaaraha ay tahay sidii ay bulshadu macluumaad faahfaasan uga heli lahaayeen hanaanka geedisocodka doorashooyinka dadbadan ee lagu soo dooranayo xildhibaanadda gollaha barlamaanka federaalka somaliya, qoondada haweenka iyo  sidoo kale in qaybaha kala duwan ay fursad u helaan in ra’isul wasaaraha ay su’aalo waydiiyaan.

5i2a4036

Intii ay aysan su’aaluhu bilaabana ayaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali  khudbad kooban oo uu u jeediyay dadkii ka soo qaybgalay kullanka, waxaa uu ka taariikheeyay sidii uu ku soo bilaambay hannaanka geedi socodka doorashooyinka dadban ee 2016ka. wuxuu si gaar ah u xusay in markii uu xafiiska imaanayay aysan wax badan diyaarsanayn, is qabqabsi ka dhex jiray xukuumadda iyo madaxweynaha  awgeed.

wuxuu  kaloo ka hadlay qoondada haweenka  laga siiyay Labada aqal ee Barlamaanka federaalka ee 30%, taasi oo uu sheegay in sida u dhigayo go’aamadii madashadda Qaran ee Muqdisho.

Ra’isul Wasaaruhu wuxuu  gabagabadii ka hadlay musharaxnimadiisa doorashadda madaxweynaha Soomaaliya ee 2016, waxaa kaloo uu ka hadlay xaaladda guud ee wadanka uu maanta ku sugan yahay iyo mustaqbalka wadanka.

5i2a39955i2a39795i2a39775i2a39765i2a3970
5i2a40035i2a4002
5i2a4006 5i2a4007
Puntlandes.com

About The Author