FADEEXAD-Akhriso: Puntlandes.com oo heshay Qoraal uu Xasan Sheekh ku baryayo ugana raaligelinayo UAE hadalkii Dekedda Berbera!!!!

25 sept 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay Qoraal ay Xassan Sheekh ku qasabtay dawlada Imaaraadka Carabta (UAE) inuu soo saaro si ay u kashifaan Xassan Sheekh, iyagoo ku sanduleeyey in uu ku Baryootamo wax alle wixii aad rabtaan ayaan idinla qabanayaa ee i caawiya si aan u soo noqdo madaxweyne mar kale.

231-3a

Madaxweyne Xasan sheekh ayaa dhawaan sheegay in aan laga tashan Heshiiska Dekedda Berbera oo Shirkada Dubai Port World (DP world) iyo Somaliland dhex maray ayna tahay Dekeddu hanti ka dhaxaysa dhamaan ummadda Soomaaliyeed cid gooni ahna aysan , hoos ka dhagayso.

Dhagayso Xasan Sheekh oo diiday Heshiiska Dubai Port World iyo Somaliland

Dawlada UAE oo xumaatay hadlakaas kasoo yeeray Xasan Sheekh ayaa ku qasbay inuu ka laabto kuna Baryootamo inay ka caawiso sidii uu mar kale dib ugu soo noqon lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Qoraal uu soo saaray kaga raali geliyey dawlada UAE kana baryey inay ku taageerto sidii uu dib ugu soo noqon lahaa madaxweynaha JFS uuna la qaban doona wax alle wixii ay doonayaan.

Ugu horayn Madaxweynahii muddo xilledkiisu uu dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ammaanay doorka ay UAE ka qaateen wax uu ugu yeeray dib u dhiska Soomaaliya, isagoo sii raacshay inay UAE tahay saaxiib ay  Soomaaliya u baahan tahay maanta iyo mustaqbalkaba.

Xasan sheekh ayaa qoraalkiisa ku yiri “Soomaaliya iyo dadkeeda waxay  mahadiyaan taageerada UAE ee Soomaaliya marka laga eego Ammaanka, Shaqada bini’aadanimo iyo mashaariicda Horumarineed. Waxaan rajaynaynaa inaan ku wada shaqayno danaha labada dal ee fursadaha maalgashi ee laga heli karo ee Soomaaliya. Waxaan u mahad celinaynaa walaalaheen dadaalka ay ugu jiraan inay caawiyaan Soomaaliya gaar ahaan horumarinta kaabayaasha iyo la dagaalanka burcad badeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka baryey dawlada UAE in maadama uu u tartamayo inuu ku guulaysto xilli labaad ee xafiiska madaxweynaha Soomaaiya uu ka shaqayn doono Horumarinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, haddii ay ka caawiyaan soo noqoshadiisa.

Xasan Sheekh ayaa ku yiri qoraalkiisa “Waxaan ka shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo UAE inay noqdaan isbahaysi istiraatiiji ah oo joogto ah. Haddii dib la iisoo doortay waxaan hubin doonaa in xiriirka ka dhexeeya labada dal u barwaaqoob, dadka labada dal waxaa ka go’an in si joogto ah loo horumariyo heerka iskaashiga laba-geesoodka ah, ee Deganaanshaha iyo Horumarinta”

Akhriso qoraalka oo ku qoran afka ingiriiska

231-3

Puntlandes.com

About The Author