MAQAAL: Hawada Soomaaliya maxaa callaal ka dhigay?

129

Allaha weyn wuxuu adduunka u qeybshay qaarado uu dejiyay shacab, kuwaas oo dhamaantood ka soo farcamay Nabi Aadan iyo Xaawa.  Markay tarmeen shacuubtii waxay u kala baxeen wadamo ay ku kal nool yiihiin shacuub ku kala duwan aragga, midabka, luuqadaha iyo diinba. Ummadahaasi waxay kala sameysteen dowladdo iyo sharuuc u kala  gaar ah iyo kuwo guud.

Ururka qaramadu ku midoobeen waa UN-ka (United Nations) oo la aasaasay July 1947. Fikradda aasaaska UN-ka waxaa lahaa dowladdo ay hoggaaminayeen kuwii ku adkaaday dagaalkii aduunka 1945. Xiligaan golaha loo dhan yahay (General Assembly) waxuu ka kooban yahay 193 dowladood, oo 15 xubno ka mid yihiin golaha ammaanka (Security Council) iyo 5 dowladood oo leh awoodda diidmada qayaxan ee loo yaqaan fiitawda (veto power). Ujeedadda ka banbeysay  qaab dhismeedka  xirmeysan ee UN-ka waxuu ahaa, walina yahay inaan marna taladu ka bixin gacanta dowladdaha cudududa buuran sheegtay.

Hayaddaha UN-ka waxaa ka mid ah hayad markii magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan ICAO (international civil aviation organization) oo qaabilsan arrimaha la duulista hawada, sida sharci dajinta, ilaalinta nabad galyada iyo habsami   socodka hawlaha duulista. Sharuucda UN-ka waxaa ka mid qodobbo qeexaya in dal kasta leedahay xuduud loo aqoonsan yahay aanna cidina ku soo xadgudbi karin ilaa ay ogolaasho ka hesho dowladda dalkaas ka talisa. Xuduudda dal kasta waxay ku cabiran dherar iyo balac dhulkeeda (bad, birri) iyo hawada ka sareysa.

1July 1960kii bay Soomaaliya ka mid noqatay qaramada midoobay. Tilaabadii ugu horeysay oo dowladdii ra`yidka aheyd ee xiligaas dalka ka talineysay, waxay dhistay ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, si ay u difaacaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta ha joogeene. Taliskii ciidanka waxaa hoggaanka u qabtay marxuum general Daa`uud Cabdille xirsi (Alle janati fardowsa ha galiyee). Muddo yar gudaheed ciidamadii waa dalan daleen, isku duumeen waana hana-qaadeen; waxayna ku guuleysteen inay gutaan waajibaadkii loo dhisay oo dalka iyo dadka ka difaaceen ciidamadii ku soo xadgudbay xuduudda Soomaaliya 1964. Kobacaan dhakhsaha ahaa iyo guushii waxay kor u sii qaadeen dadaalkii xornimo lagu gaarsiin lahaa  shacabka Soomaaliyeed ee ku haray gacantii gumeysiga.

Si looga dhabeeyo rajadii ehelka oo ahaa xoriyad iyo in maalin ay noqotaba ay soo gaarayaan ciidamadii nafta hurayaasha ahaa, iyagoo gaashaaman oo guuleystay. Ardo badan oo ciidamadii ku biiray waxaa loo kala diray dalal aan xirii fiican  laheyn, si ay u soo bartaan istaraajiyada dagaal iyo adeegsiga qalabka ciidamada. Midnimadii shacabka, dhisitaankii ciidan iyo qalab uruursigii Soomaaliya waxay gaamurtay horaantii `70 kii, waxayna cabsi galisay nacab oo dhan. Ciidamadii Soomaaliya waxay ka howlgaleen NFD, dadaalkii walaalaheen reer Jabuuti looga  xoreynayay Faransiiska iyo dagaalkii Ogadeenya ku dhexmaray ciidamadii Soomaaliya iyo kuwii Itoobiya 1977-78.

Guushii Soomaalidu gaartay waxaa gaagaxshay awoodihii isku hayay dagaalkii qaboobaa  ee dunida. Soomaaliya khasab waxaa ku noqotay inay ka soo baxdo dagaalkii, iyagoo caga jiid iyo habqan aan habeysneyna ah. Khasaaradii dagaalkii `78 waxay Soomaali dhaxalsiisay dhabar jab horseeday:

  • khilaafkii ka dhex dhashay ciidamadii iyo Isku daygii af ganbigii Apriil `78
  • Qaxooti fara badan oo ka soo qaxay dhulkii ciidamadu ka soo baxeen
  • Wiiqankii haybadii maamul iyo dowladnimo
  • Soo faragalintii shisheeye arrimaha dalka oo IMF iyo UN hoggaaminayeen
  • Jabhadii qabaa`ilku sameysteen
  • kala qeybsankii ciidamadii oo qaar la kala saftay qabaa`ilkii bililiqeystay xarumihii ciidamada iyo wixii qalab yaalay, kuwo dalka ka qaxay iyo qaar darbi jiif ah oo sugaaya soo noolaashada qarankii
  • Uur dooxashadii iyo uus faagashadii dagaalkii Sokeeye
  • Burburkii qaran iyo kala qaxii shacabkii, hooyo iyo ubadkeeb.

Gunaanadkii qeybta koowaad

Waxaa xusuus aaan intii nooleyd hilmaaneyn ah iyo indho ku doogsina ahaa dhoolo tusyadii ciidamada xoogga dalku ay soo bandhigi jireen maalmihii xoriyada ee Koonfurta iyo Waqooyiga 26 Juun iyo 1 July 1960.

Maxaa xigay?

La soco qeybta

Qore: Shakib Dhowre

Tel: +25290-7686796, E-mail: shakibdhowre@ymail.com

About The Author