Sawirro: Musharax Jibriil Cabdulle oo si weyn loogu soo dhaweeyey Baydhabo

Musharaxa Dhaq Dhaqaaqa Hal Qaran oo u tartamaya Xilka madaxweynaha Soomaaliya Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada baydhabo  oo ka bilaabay ololihiisa doorasho, soo  dhaweynta waxaa ka qayb qaatay madaxda gobolka, Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, Ururada Bulshada iyo Dhalinyarada.

Jibriil ayaa xalay kulamo kala duwan kula qaatay magaalada Baydhabo Gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Xildhibaano, Odyaasha dhaqanka iyo ururka dhaliynyarada Koonfuur Galbeed, waxayna ka wada hadleen sidii loogu taageeri lahaa musharax Jibriil xilka madaxweynanimada Soomaaliya.

Musharax Jibriil ayaa ku nagaan doona magaalada Baydhabo maalmaha soo socda, wuxuuna noqonayaa musharaxii ugu horeeyey oo ka bilaaba ololihiisa doorasho magaalada Baydhabo, waxaan u qorshaysan inuu safaro kaas la mid ah uu ku tago gobolada dalka.

231-1b

231-1b1

231-1b2

231-1b3

231-b
Puntlandes.com

About The Author