Sawirro: Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni oo la kulmay Isimada ugu Sareyso Gobolka Mudug

Musharaxa u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Sanadka 2016-ka Dr.Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa kulamo kala duwan waxa uu Magaalada Gaalkacyo kula yeeshay Isimada ugu sareyso Gobolka Mudug,waxa uuna kala hadlay xaaladaha Dalka iyo sida loo wajahayo Hanaanka Doorashada ee la filayo in Dalka ay ka dhacdo.

Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni Isimada oo la kulmay ayaa kala ahaa:

  1. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax.
  2. Suldaan C/qani Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Cali Baale
  3. Garaad Maxamed Cilmi Shirwac.
  4. Amiir Maxamed Yuusuf Ciise.
  5. Imaam C/wahaab Maxamed Gurey

Musharaxa ayaa Booqasho iyo Salaan Sharafeed ugu tagay mid walbo Hoyga uu ka daganyahay Magaalada Gaalkacyo,waxa ayna Isimada ugu mahadceliyeen Booqashada iyo Salaanta uu Musharaxa ugu yimid.

Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si gaar ah waxa uu Isimada kala hadlay Xaaladaha iyo isbadalka ka jira Dalka,waxa ayna Isimada dhinacooda ay sheegeen in wax badan ay kala socdaan arimaha jira ayna u wajihi doonaan sida ku jirto horumarka.

Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni ayaa helay Taageeradda Shacabka Somaliyeed,waxaana lagu Xasuustaa Garab istaaga Shacabka Masaakiinta ee ay saameysay Abaaraha,Biyo la’aanta,Colaadaha,waxa uuna kaalin muuqata ka qaaday Horumarinta Kobaca Dhaqaalaha Dalka,Waxbarashada,Caafimaadka iyo Biyaha.
Daawo Sawirrada
1

2

3

4

5

6

7

8

9
Puntlandes.com

About The Author