XOG: Dawlada Maraykanka oo runta u sheegtay Galmudug

7 sept 2016 (Puntlandes) Maraykanka oo la shiray madaxweynaha Galmudug iyo Odoyaasha dhaqanka Sacad waxayna ka wada hadleen Duqayntii Jeexdin ee duleedka bari ee magaalada Gaalkacyo, iyagoo u sheegay in ay Alshabaab ka faa’iidaystaan Colaada u dhaxaysa Galmudug iyo Puntland.

sssssss-1

Waxaa kaloo loo sheegay Madaxda iyo Odoyaasha Galmudug in ay gardaro cad ay ahayd inay usoo dhawaadaan Saldhiga Ciidamada PIS ta iyo Garoonka Diyaaradaha ee Waqooyiga Gaalkacyo, iyagoo 8km gudaha usoo galay dhanka Puntland.

Waxaaa kaloo loo sheegay 4 sarkaal oo Alshabaab ah oo la yaqaano in meesha lagu dilay oo mid ka mid ah uu yahay Raga Qaraxyada sameeya oo ahaa ragii la raadinayey.

Maraykan ayaa si cad ugu sheegay Galmudug in 4taas saraakiil Ciidan ka yihiin isla Galmudug, iyagoo maalinkiina ka tirsan Ciidanka Galmudug habeenkiina Alshabaab ah.

Waxaa sidoo kale had iyo goor ka faa’iidaysta Colaada Gaalkacyo Gen CabdiQaybdiid oo loo haysto Xasuuqii Gaalkacyo ee 1991dii iyo Xasuuqii Ciidanka Maraykanka ee 1993dii.

Waxaana loo sheegay inuu CabdiQaybdiid la madaxweyne la yahay Cabdikariim Xuseen Guuleed, sidaas darteed waxaa si toos ah loogu sheegay in Cabdikariim kala saaro Ciidankiisa iyo Alshabaab.

Cabdikariim ayaa waxaa kaloo loo sheegay inuu Xakameeyo dhaqdhaqaaqa Ciidanka Galmudug. Waxaa kaloo loo sheegay Cabdikariim in Gen CabdiQaybdiid uu yareeyo abaabulka dadka Gaalkacyo ee ku wajahan Puntland.

Waxaa tusaale loo soo qaatay dagaalkii saaka ka dhacay Gaalkacyo, oo aan la ogayn waxa sababay.

Puntlandes.com

About The Author