Xukuumadda Itoobiya oo Xukun deg deg oo socon doona 6 bilood kusoo rogtay dalkaas

9 sept 2016 (Puntlandes) Xukuumadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo socon doonta muddo Lix bilood ah, ka dib muddo bilooyin ah oo ay socdeen banaanbaxyo rabshado wata oo xukuumadda looga soo hor jeedo ay ka socdaan Ismaamulada Amxaarada iyo Oromiya.

231-5e1

Sida ay BBC shegtay waxaa rabshadaas ku dhintay ugu yaraan 500 oo qof tan iyo markii ay banaanbaxyadu billowdeen November 2015kii.

Banaanbaxyada ka socda Ismaamulada Amxaarada iyo Oromiya ayaa waxay wataan Rabshado iuyadoo lagu gubay Hanti fara badan.

Dad Itoobiya ayaa bilaabay inay kala miirmaan iyadoo ay Qowmid walba tagayso halkii ay kasoo jeeday ama Ismaamulka ay kasoo jeedo, waxayna taasi abuurtay Barakac baahsan oo dalkaas ka socda.

Lama yaqaan waxa ay soo kordhinayso xaalad degdeg ah ee Xukuumad dalkaasi ku dhawaaqday maanta iyo inay Xukuumadu ku xamakayn karto Rabshada socda.

About The Author