Gaalkacyo: Saaka xaaladda magaaladda iyo Dhismihii Maxjarka (Sawirro).

Magaaladda Gaalkacyo ayaa saak dagan in kasta oo mar mar la maqlayo rasaas aan bad nayn, waxaana wali lagu jiraa dadaalkii lagu kala qaadi lahaa ciidamada.

Shaqadii dhismaha Maxjarka ayaa saaka caadi u socota, dhinaca kala waxaa wali soconaya kulamo gooni gooni ah oo ay leeyihiin, odayaal dhaqameedkii shalay baaqa soosaaray.

Wali dadweynaha magaaladda ayaa cabsi ka qaba in uu dagaal kale qarxo, maadaama ay labadii ciidan sidii isu hor fadhiyaan, rasaastana is dhaaf dhaafsanayaan, taas oo keeni karta dagaal tos u qarxa.

 

Daawo Sawirro Shaqadii maxjarka oo socota.

img_0001 img_0002 img_0003 img_0004 img_0005 img_0006 img_0007 img_0008 img_0011 img_0012 img_0016

About The Author