Maqaal: Hawada Soomaaliya maxaa callaal ka dhigay?

12/10/2016

129

Markay duntay dowladdii dhexe 26/1/1991, Soomaaliya waxay noqatay dad iyo  dalba baadi aan la kala xigin, oo cadaw ku habsaday ugu taliyay siduu doono.

Siday qoreyso war-bixin ay ICAO sameysay bishii May 2012  Technical Audit of the Civil Aviation Caretaker Authority for Somalia (project Som/03/2016) “Dagaalkii Sokeeye ka hor dowladdii Soomaaliya iyo UNDP iyo hayada qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha duulista (ICAO),waxay wadeen mashruuc SOM/86/013 oo lagu hagaajinayay hawlahii duulista dalka. Maalmo ka hor burburkii dowladdii dhexe, ICAO oo kaa-shaneysa UNOSOM waxay diyaarisay qorshe ka hortag ah, si aan khal khal u galin duulimaadyada caalamiga ah ee kor marayay hawada Soomaaliya (Mogadishu FIR-flight information region), inta ka sareysa 24500 Cag. ICAO waxay qorshahaas ku faafisay 13/1/1991 NOTAM (Notice to Airmen), qorshihiina waxuu dhaqan galay q1/2/1991.

Go`aamadii golaha ammaanka 794/92 iyo 814, 837/93 waxay go`aamiyeen in Soomaaliya loo gurmado, lana geeyo ciidamo qeybiya gargaarkii. Hawgalkaas UNku waxay u  wakiilatay UNSOM (UN operation in Somalia) intii u dhexeysay 1991-195. ICAO waxay warqad u qortay 27/1/1995 UN-ka ay ku codsaneyso inay ku shaqeyso heshiis hoos yimaad go`aamadii golaha ammaanka ee kor ku xusan iyo in hawlaha duulista hawada Soomaaliya laga maamulo magaalada Neyroobi.

Hawlgalkii UN-ku waxuu soo afjarmay 31/3/`95 ka dib dagaallo ku kalifay inay ka baxdo Soomaaliya. Iyada oo UN-ku tixraacay codsigii ICAO, waxaa Neyroobi loo soo raray shaqaalihii Soomaaliyeed iyo qalabkii ka hawlgali jiray Mogadishu FIR. Guuritaankii iyo maqnaantii dowladdii dhexe, ICAO waxay soo jeedisay in hawlihii duulista hawada Soomaaliya lagu wareejiyo wakaalad ka mas`uul noqota.  Waxaa ICAO dhistay wakaalad la yiraahdo “The Caretaker Civvil Aviation for Somalia (CACAS)” iyada oo xiganeysa warqad uu u soo qoray xogyaha guud qaramada midoobay 29/3/ 1995. Warqadaasi waxay madaxii ICAO fareysay “That ICAO shall act in civil aviation matters with regard to Somalia pending of the Security Council approval and/re-establishment of government authority in Somalia”. Golaha ammaanku waxuu ku ogalaaday dhismada CACAS (S/1996) oo taariikhdu aheyd 28/3/1995.

Hawlaha loo xilsaaray (mashruuc SOM/96/02) CACAS waxay ahaayeen:

  • maamulka hawlaha duulista
  • dayactirka qeybaha muhiimka ah ee garoomada iyo qalabka
  • adeegyada duulimaadyada caalamiga ah, sida gargaarka iyo gurmadka
  • Kharashka ku baxaya mashruuca CACAS waxaa bixin Soomaalida
  • Horumarin iyo diyaarinta maamulkii hanan lahaa mustaqbalka hawlaha duulista ra`yadka ah ee dowlad Sooomaaliyeed.

Akhriye waxaan ku xusuusineynaa labo arrimood:

  • Ujeedada go`aankii ICAO hirgaliay 1st February 1991 iyo kuwii ka dabeeyay waxay ahaayeen walina yihiin ilaalinta ammaanka diyaaradaha u kala gooshaya qaaradaha. Waxaan u caseeyay erayada kore waxaa weeye inaan ku dareensiiyo in ilaalinta ammaanka diyaaradaha ay leeyihiin dowladaha awooda diidmada (veto power) ee mara hawadeena ay ku noqon karto xujo jilbo xiran, dhutin iyo jiitan daba dheeraata in talada hawada ka sareysa 245 flight level lagu soo celiyo  gacanta Soomaaliya. Waxaan sahlaneyn in la saadaaliyo in arinka kor ku cas inuu ka faduul yaraanayo markii la garab dhigo dacwada ka furan tahay maxkamada Heeg ee Keenya weerarka ku tahay xadka badda Soomaaliya
  • Hawada sare ee Soomaaliya waxaa jibaaxa diyaarado u kala socda qaaradaha iyagoo xanbaarsan rakaab iyo xamuulba. Diyaaradaha hawada Soomaaliya mara waxaa laga qaadaa dhaqaale “Aeronautical charges”, oo qaarkiis lagu daboolo kharash adeegyada loo qabato diyaaradaha, sida hagitaanka. Dhaqaalaha ay CACAS ku damaashaado waxaa laga bixiyaa kan laga uruurshay hawada Soomaaliya.

 

Maxaa xigay

La soco qeybta 3

Qore: Shakib Dhowre

Tel: +25290-7686796

E-mail: shakibdhowre@ymail.com

About The Author