Faahfaahin ku saabsan Dagaalkii Saaka ee Gaalkacyo

13 okt 2016 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa jawigeedu hada uu yahay mid degen kadib dagaalkii Hubka waawayn la isku adeegsaday oo saaka ka dhacay.

Dagaalka ayaa ku koobnaa madaafiic ay iswaydaarsadeen Ciidamada Puntland iyo Galmudug, qadar kooban kadibna si iskiis ah u joogsaday.

img_0303

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug ay Hubka waawayn kusoo rideen goobta ay dawlada Puntland ka dhisayso Maxjerka Gaalkacyo, iyadoona jawaab ay ka baxsheen Ciidanka Puntland.

Warbaahinta Puntlandes oo u kuurgashay dagaalkii saaka ayaa ogaatay in Ciidamada Puntland ay dhanka Koonfureed u durkeen iyagoo goobo cusub iminka Difaac ka xirtay.

Warbaahinta Puntlandes ayaa dhanka kale ogaatay in Waxgaradka iyo Odoyaasha Maamulka Galmudug ay ku hawlan yihiin xakamaynta Malayshiyo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug.

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ogaatay in dawlada Puntland ay dib u bilaabayso wadadii ay dawlada Puntland dhisaysay ee ku taalay dhanka Puntland ee ay soo weerartay Galmudug halkaasoo ay ku dhinteen dad badan.

Waxgaradka iyo Odoyaasha Maamulka Galmudug waxay u cadeeyeen dhanka Puntland inaysan soo fara gashan doonin mar dambe dhisme ay Puntland ka dhisanayso dhankeeda, laakiin labada dhinac Puntland iyo Galmudug ay ka wadashaqeeyaan nabada iyo wada noolaanshaha labada shacab taasoo laga aqbalay.

Dhanka kale waxaa si habsami ah u socda dhismaha Maxjerka dawlada Puntland ay ka dhisaysay Gaalkacyo Koonfur galbeedkeeda.

Dhagayso Warbixin uu Radio Daljir ka diyaariyey dhaismaha Maxjarka

Wararka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author