RW Cumar oo Cadaado kadegay kuna wajahan Puntland

14 okt 2016 (Puntlandes)Raysul Wasaarihii Xukuumada DFS ee mudo xileedkeedu dhamaaday Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa waxa uu ka degay oo iminka ku siugan yahay Degmada Cadaado oo fariisin u ah maamulka Galmudug.

217-8l

 

Wararka ay helayso Warbaahinta Puntlandes ayaa ah inuu Cumar u tagay Cadaado Colaada ka aloosan Gaalkacyo darteen uuna doonayo inuu xaalada Qaboojiyo.

Mudane Cumar oo ah Musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku wajahan magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, isagoo kala hadli doona Colaada Gaalkacyo.

Dhanka kale Warbaahinta Puntlandes ayaa ilo ka agdhow RW Cumar waxay ka ogaatay inay u wayn tahay safarkiisa Arimaha Doorashada isagoo ka mid ah Musharixiinta u taagan Aqalka Sare oo Baarlamaanka Puntland uu dhawaan u codayn doona.

Wararka Safarka RW Cumar kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author