FAALLO-Sawirro: Wax ka ogow Dagaal oogayaasha ku jira Musharixiinta Aqalka Sare

16 2016 (Puntlandes)  Soomaaliya waxay soo martay dagaal Sokeeye oo aad u xanuun badnaa, kaasoo soo bilowday 1991 inkastoo ay dawladii kacaanka ay waxyeelo badan u gaysatay dad shacab ah.

 

Dagaalkaas Sokeeye waxaa ka qayb qaatay ama gacantooda ku abuuray niman ma naxayaal ah oo loo bixiyey Dagaal oogayaal, kuwaasoo qaarkood ay gacantooda Xasuuq dad rayid ah ku gaystay ama amarka lagu xasuusay lahaa.

Hadaba waxaa wax aan la qaadan karin ah in Soomaaliya oo loo haystay in dib loo soo celinayo dawladnimadeedii ay DAGAAL OOGAYASHU bur buriyeen in Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya gaar ahaan Aqalkiisa Sare lagu soo daro qaar ka mid ah DAGAAL OOGAYAASHII XASSUQA iyo BARAKICINTA u gaystay ummadda soomaaliyaeed.

Waxaa xusid mudan inay Beesha Caalamku, halkan ka akhriso, kasoo saartay Digniin ah inaysan ka mid noqon karin Dagaal oogayaashu labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo maamulka Galmudug oo ka hordegaya arintaas uu shalay shaaciyey inuu u doortay xubin ka tirsan Aqalka Sare DAGAAL OOGE CABDI QAYBDIID.

Warbaahinta Puntlandes waxay ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa DAGAAL OOGAYAASHA ka mid ka ah Liiska Musharixiinta Aqalka Sare iyo DAGAAL OOGAHA ilaa iminka la shaaciyey in loo doortay Xubin ka mid ah Aqalka sare:

Puntland

Dawlada Puntland ee madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa liiska Musharixiinta Aqalka Sare kusoo dartay Gen Maxamed Siciid Xirsi Moorgan.

Hadaba waa kuma Gen Morgan?

231-6f

Gen. Morgan ayaa soo ahaa Taliya Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed iyo Wasiirka gaashaandhiga dawladii AUN Maxamed Siyaad Barre taasoo loo haysto Ficilo ka dhan ah Xuquuqda Bani’aadamka oo ay ka gashay ummadda Soomaaliyeed.

Gen. Morgan ayaa markii ay dhacday dawladii Siyaad Barre waxa uu Noqday Dagaal Ooge fadhidhigiisu yahay magaalada Kismaanyo oo ay ka dhaceen dagaalo aad u qaraaraa iyo barakac xoog leh. Waxa uu gudoomiye kuxigeen Gen. Morgan ka ahaa Jamhadii SPM ee AUN Gen. Gabyow madaxda ka ahaa.

Gen. Morgan dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u haysta eed ah inuu dambi ka galay waxayna mudan yihiin haddii soomaalinimo la eegayo inaan dadkaas sanka laga gelin, mana ahan inuu xubin ka noqdo Aqal sare ama mid hoose ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Galmudug

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa liiska Musharixiinta Aqalka Sare kusoo daray Gen Cabdi Qaybdiid.

Hadaba waa kuma Cabdi Qaybdiid?

231-6e4

Cabdi Qaybdiid ayaa wuxuu fuliyey Xasuuqii uu ka gaystay Magaalooyinka Gaalkacyo, Muqdisho iyo Kismaanyo, halkaas oo dadkaan aan wax dambi ah gelin uu ku Xasuuqay. Cabdi Qaybdiid ayaa waxa aad loogu xusuustaa Xasuuqii uu ka gaystay magaalada Gaalkacyo sanadkii 199dii.

Cabdi Qaybdiid intii lagu jiray dagaalada Sokeeye ayuu waxa uu AUN Gen Caydiid u ahaa gacanyare, gaar ahaan Xasuuqa dadka Shacabka ah.

Cabdi Qaybdiid dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u haysta eed ah inuu dambi ka galay waxayna mudan yihiin haddii soomaalinimo la eegayo inaan dadkaas sanka laga gelin, mana ahan inuu xubin ka noqdo Aqal Sare ama mid hoose ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Jubaland

Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa liiska Musharixiinta Aqalka Sare kusoo daray Axmed Xaashi Maxamuud, Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Cabdifitaax Maxamed Jaamac.

Hadaba waa kuma Axmed Xaashi Maxamuud?

231-6f2

Axmed Xaashi ayaa waxa uu ahaa Gudoomiye kuxigeenkii Jamhadii SPM/SNA, wuxuuna kuxigeen u ahaa Col. Axmed Cumar Jees.

Axmed Xaashi ayaa waxa uu hal maalin 14 nin oo Aqoonyahano ah oo hay’addaha Samafalka u shaqaynayey ku dilay Garoonka magaalada Kismaanyo intii aysan Kismaanyo soo gaarin UNITAF dabayaaqadii 1993dii.

Wuxuu kaloo Axmed Xaashi ka qaybqaatay Xasuuqii waynaa ee ka dhacay magaalada Kismaanyo wax yar ka intii aysan magaalada imaan Ciidankii Maraykanka dabayaaqadii 1993dii,halkaas oo uu ku XASUUQAY dad Shacab ah oo gaaraya 183 qof.

Dadkii aan waxba galabsan ee uu Axmed Xaashi Xasuuqay ayaa waxay ka koobnaayeen Hogaamiye Dhaqameed, Nabadoono, Odoyaal, Waxgarad, Aqoonyahano, Dhaloinyaro,  Haween iyo caruur.

Ragii Hogaamiye Dhaqameed, Nabadoono ahaa ee uu Axmed Xaashi ku Xasuuqay Kismaayo waxaa ka mid ahaa:

  1. Nabadoon: Cabdi Maneeno Yuusuf Dhuux
  2. Suldaan Gurey Xaaji
  3. Nabadoon Cabdi waraabe garoon
  4. Macalin Maxamed Cabdirisaaq Xirsi Madow

Axmed Xaashi dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u haysta eed ah inuu dambi ka galay waxayna mudan yihiin haddii soomaalinimo la eegayo inaan dadkaas sanka laga gelin, mana ahan inuu xubin ka noqdo Aqal Sare ama mid hoose ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hadaba waa kuma Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag?

231-6f1

Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag wuxuu ahaa saraakiishii Barre Hiiraale ee Isbahaysigii Dooxada Juba ee Falal aadka u xun ee dhanka ah Bani’aadaminida ka gaystay magaalada Kismaanyo iyo Gobolka Jubbada Hoose.

Fartaag wuxuu u qaabilsanaa Barre Hiiraale dhibaataynta dadka shacabka ah, wuxuuna markii dambe noqday madaxweyne kuxigeenka Jubaland oo uu madaxweyne ka yahay Dagaal ooge kale.

Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u haysta eed ah inuu dambi ka galay waxayna mudan yihiin haddii soomaalinimo la eegayo inaan dadkaas sanka laga gelin, mana ahan inuu xubin ka noqdo Aqal Sare ama mid hoose ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hadaba waa kuma Cabdifitaax Maxamed Jaamac?

(Sawirka C/fitaaf waanu idiinku hawlan nahay)

Cabdifitaax Maxamed Jaamac oo waxa uu soo ahaa Gudoomiye kuxigeenka Ururkii mayalka adkaa Maxkaxadaha isagoo Gobolada Jubooyinka ka ahaa ku xigeenka madaxweynaha iminka ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed madoobe).

Cabdifitaax ayaa waxa kale oo uu ka mid ahaa Kooxdii Muqaawimada la baxday ee Casmara tagtay, aadkana ugu kacsanayn dawladii uu hogaaminayey AUN Cabdulaahi yuusuf.

Markii dambana Cabdifitaax wuxuu ka mid noqday Ururkii Xasan Daahir aways ee Xisbul Islaam, waxaana isku mar la qabtay isaga iyo Xasan daahir aways.

Cabdifitaax Maxamed Jaamac dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u haysta eed ah inuu dambi ka galay waxayna mudan yihiin haddii soomaalinimo la eegayo inaan dadkaas sanka laga gelin, mana ahan inuu xubin ka noqdo Aqal Sare ama mid hoose ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

231-6f3a

DAGAAL OOGAYAASHAANI waa kuwii dawladnimadii Soomaaliyeed burburiyey, waa kuwii XASUUQAY shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, waxaa waajib ah haddii la doonayo inay dib usoo noqoto dawladnimadii Soomaaliyeed inaan la ogolaan inay ka mid noqdaan Baarlamaan Federaalka Soomaaliyeed gaar ahaan Aqalkiisa Sare oo ay tahay inay ka qayb noqdaan Shaqsiyaad dalka iyo dadkaba ka naxaya oo u adeegaya kuna caan ah u adeegida ummadda Soomaaliyeed ee aan Caan ku ahayn DAGAAL OOGNIMO iyo XASUUQ SHACAB.

Puntlandes.com

About The Author