Sawiro: Akhriso xubnaha Aqalka Sare oo ilaa & iminka uu codka kalsoonida siiyay Barlamanka Puntland

20 okt 2016 (Puntlandes) Xubnaha ilaa iyo hada codka kalsoonida ka helay xildhibaanada Puntland ee usoo baxay in ay noqdaan xildhibaano Puntland ku matala baarlamaanka fadaraalka aqalkiisa sare ayaa kala ah:

 

 

Rw Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo xilku uu ka dhammaaday ayaa ku guuleystay xubinnta koowaad ee Aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya kuwa u matali doono Puntland.

Cumar ayaa 47 cod kaga guulaystay gabadhii la tartamaysay ee Aamino Axmed Cabdullaahi,sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland,Axmed Cali Xaashi -wuxuu guddoomiyu sheegay in musharaxad Aamino Cabdulaahi oo la tartamaysay Cumar Cabdirashiid ay heshay 17 cod, iyadoo uu xumaaday hal Cod.

 

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ku guulaystay kursigii labaad ee aqalka sare,Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa la tartamayey Cabdimahdi Abshir Cismaan.

Cabdiraxmaan Faroole waxa uu helay codad dhan 59 cod,halka Cabdimahdi uu helay 5 cod hal cod waa xumaaday,sidaas ayaa waxaa ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga doorashada Puntland Saadiq Abshir Garaad.

 

Xubinta sedexaad ee aqalka sare Puntland waxaa ku guulaystay Prof Cabdirisaaq Xasan Cismaan Juurile isagoo helay 33 cod.

Hodan Ismaaciil Cilmi oo la tartamasay Prof. Juurile ayaa iyaduna heshay 32 cod waxaana looga guulaystay 1 cod oo kaliya.

 

 

Farxaan Cali Xuseen ayaa ku guulaystay xubinta afraad ee Aqalka sare ,isagoo kaga guulaystay siyaasiga rugcadaaga ah Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo kursigaas kula tartamayey.

Farxaan Cali Xuseen ayaa helay codad gaaraya 36 cod,halka Cali Ismaaciil Cabdi Giir uu helay 29 cod waxaana natiijada ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal.

 

 

 

Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere ayaa ku guulaystay xubinta shanaad ee Baarlamaanka aqalka sare uga waxaana uu kaga guulaystay tartanka Faarax Cawad Jaamac.

Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere ayaa helay codad gaaraya gaaraya 40 codka,halka Faarax Cawad Jaamac uu helay 25 cod,natiijada waxaa  ku dhawaaqay Siciid Jaamac Qoorsheel oo gudoomiyaha guddiga doorasha heer federaal ee Puntland.

 

Kals soco Warbaahinta Puntlandes xubnaha kale ee harsan.

About The Author