(Sawirro+Warbixin):- Koonfurta Gobolka Mudug oo ay Puntland ka biloowday qodista Ceelal Biyood

23 okt 2016 (Puntlandes) Deegaanka Nugaal-gibin oo koofurta ka jirta magaalada Galdogob, qiyaas ahaana u jirta 30km, ayaa waxaa laga bilaabay barnaamijyo hormarineed, kuwaas oo lagu taageerayo bushada deegaankaas, si ay hagaajiyeena noloshooda aas aasigaa.

Mid kamid ah Musharixiinta xidhibaanimada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Maxamuud Muuse ayaa tagay shaqada qidista ceelka oo u soconaysay si habsami leh, waxaana uu booriyay dhismaha ceelkaan oo muhiimad u leh dadka reer guuraaga ah iyo guud ahaanba Bulshada Gobolka Mudug.

“Dhismaha Ceel Biyoodkaan la bilaabay maanta waa mid muhiimad gaar ah u xambaarsan Bulshada Gobolka Mudug, waxaana uu wax badna ka tarayaa baahida biyaha ee la qabo, sidoo kale deegaanka loo doortay in laga hirgasho waa mid istiraatiihi u ah Difaaca Gobolka si la xariira xaga Nabadgalayada Bulshada deegaanka” ayuu Yiri Musharaxa Xildhibaan Daahir Maxamuud Muuse.

Ceelkaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya xili ay wadanka kusoo laa laabteen Abaaro saameeyey Dad iyo duunyo, iyada oo meelo badan oo gobolka Mudg ah ay ka jirtay biyo dhaamin, Waxaana uu ceelkaani faa iido gara ah u yahay, dadkii ka dhawaa aagaas ee Gobolka Mudug.

Barnaamijkaan waxaa uu qayb ka yahay Qorshayaasha Dowladda Puntland, ee Puntland Ha isku Tashato, kaas oo shacabka Puntland qayb uga qaadanayaan dib u dhiska wadanka iyo kaabayaasha Dhaqaalaha.

 

Daawo Sawirro.

img_0743 img_0745 img_0748 img_0749 img_0751 img_0752 img_0753 img_0755 img_0757 img_0758 img_0760 img_0761 img_0772 img_0778 img_0783 img_0786

Puntlandes.com

About The Author