BREAKING NEWS-SAWIRRO: Dhaawicii Galmudug oo gaaraya ilaa 21 oo Muqdisho la Geeyey iyadoo ay DFS Garoonka uga qaaday Gaadiidka Booliska Federaalka (CADAYN)

23 okt 2016 (Puntlandes)  Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay heshay oo ay akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa Dhaawicii maamulka Galmudug oo ku dhaawacmay dagaalkii shalay Gaalkacyo auy kusoo qaadeen Ciidamo Huwan ah in la geeyey manta magaalada Muqdisho.

Dhaawaca la geeyey Muqdisho oo gaaraya 21 ayaa ah intoodii cuslayd , oo diyaarad manta looga soo qaaday cadaado.

Sawirrada ay Warbaahinta Puntlandes heshay ayaad waxaa ka arkaysaan iyadoo ay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ay DFS ka saarayso Dhaawaca Gaadiidka Police federaalka ah, waxaana rogaya dhaawaca wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ahmed Ali Kadiye.

Cadayntani waxay markhaati cad u tahay sida dowladda Federaalka ah ay Colaada Mudug ugu jirto ayna qayb wayn ka tahay dagaalka Gaalkacyo.

Daawo sawirrada cadaynta ah ee Warbaahinta Puntlandes
11

12

13

14

15

16

17

18

19

20
Puntlandes.com

About The Author