Taariikhdii Mashruuca Horumarinta Bursaalax, Waxaa diyaariyey: Xassan Yuusuf Cali

Filed under: Wararka maanta |

Burburkii Soomaaliya iyo cudurkii qabyaaladda oo dadka dhexdiisa ku faafay ka dib,dadkii dibedaha u soo baxay waxaa qaarkood  isu urursadeen degaan degaan si ay dadkooda wax ugu qabtaan.

1999kii waxaan la socday gole Cumar Maxamuud oo aan rabnay in aan Mudug wax ugu qabano,waxaana qorshaha iigu jirey inaan beelaha kale  degaankana  waxna ka degga nala soo galaan.

Nasiib darro, waxaa na dhex galay Siyaasad oo xataa waxaan ku heshiin waynay in aan biyo maacaan magaaladda Galkaacyo  galino,ka dibna waaba lagu kala tagay golahaas waana xirmay.

2

Bishii Desembar 1999 kii waxaa Melbourne noogu yimid Sheikh Maxamed  Sheikh Cusman,waxaan isku soo qaadnay in aan wax un u qabano dadka,waana isku raacnay.

Si wax loo qabto waa in marka hore dadkii la babaarujiyaa lana  isku xiraa,sidaas darteed waxaan bilaabay in aan fuliyo hawshaas.

Cid isku xiran oo urur leh waxaa jirey UK iyo Holland,waxaana kala maamulayey Badel Xersi(AUN) Holand iyo DR Cabdi Salaam iyo Cabdisamad Cali oo UK ah.

Labadaas Jaaliyadood waxay lakala  xiriiri jireen midba degaan gaar ah Holand, Kismayu gudi ka dhisan bay la xiirreen, oo waxay dadka ka qaadaan halkaas ayey u diri jireen,UK waxay xiriir lalahayd Galkaacyo iyo mar mar Kismaayo

Waxaan bilownay in aan gudiyo ka dhisno Jaaliyadaha USA,Canada,Sweden,Sacuudi Caraabiya,Emiretes iyo Denmark,waana ku guulaysanay,oo si aan aad u dhib badnayn ayaanu ku dhisnay gudiyadaas,waxaana isku xirkooda noo fududeeyey oo Idamaale noo furay Nuuru diin Aaden Diriye,2000 dhexdeedii

Waxaa kale oo la dhisay guddigii noqon lahaa saldhigga  dalka noo jooga,waxaa la magacaabay gudii u madax u ahaa (AUN) Cabdullahi Soofe Maxamuud,guddigaas oo runtii hawl badan qabtay,mashruucana markii ugu dhib badnayd koboc u horseeday

Arrintu markii ay halkaas marayso ayaa waxaa la isku soo qaaday wixii la qaban lahaa,waxaa la isku raacay in la dhiso meel wax barasho degaanka dadku dego dhexdiisa ah.

Markiiba waxaa la is barbardhigay labo degaan,midka hore waa Bur Saalax waxaana aragtidaas qabay  guddiga Gaalkayo iyo wax garad kale oo badan joogayna markaas Gaalkacyo, Roox oo ay wateen odayaal taariikh hore hiigsanayey.

Markii la is barbar dhigay waxaa dadkii u batay Bur Saalax in laga  dhigo degaankii laga bilaabi lahaa wax barashada iyo degaamaynta intaba.
Halkan hoose ka daawo Aasaaskii iyo Geedqaadkii dhulka Mashruuca

Bur Saalax waa meel u jirta 60 KM magaalada Gaalkacyo dhanka waqooyiga,waana meesha dhulka dhagaxa ah iyo caduunku iska galaan(ciida jilicsan),1956dii ayaa waxaa ganacsi ahaan u degay geesigii Soomaaliyeed,ahaana guddoomiyaha SYL ee Mudug Saalax Jaamac kaarshe(AUN),SYL waa xisbigii u horseeda gobonimada dalka Soomaaliyeed,waxayna Gaalkacyo ka fureen wax barashadii ugu horeeyasay ee afka Carabiga wax lagu barto 1951dii,waxaana halkaas ka soo baxay dad badan reer Mudug na ah oo aan anigu ka mid ahaa

Muddo Ka dib dad ayaa la soo darsay,meeshiina waxay noqotay duddo,waxayna qaadatay magacii ninkii asaasay iyadoo marba marka ka danbaysa dad ku soo biirayey,burburka ka dib ayaa laga qoday ceel matoor ah taasina waxay dhalisay in reer guuraagii aad ugu soo dhowaadaan

Hawlgal kayagii  waxaan ka bilownay in aan dhisno 12 qol, lix musqulood iyo xafiiskii maamulka,waxaana soo xeraynay 75 arday ah isuguna jira agoon iyo dan yar,halkaasna ka hela cunto, jiif iyo wax barasho bilaash ah,jiifku wuxuu ahaa qolalka loogu talagay wax barashada kuwo ka mid ah.

Wax barashadii waxay bilaabatay 23 Sep 2002dii,waxaana lagu bilaabay 100 arday,isuguna jira,kuwii jiifay iyo  kuwo dibedda ka yimaada,waxaana maamule loo magacaabay Cabdiraxman Khaliif Wayrax

Wixii kharaj ahaa waxaan u qaybinay Jaaliyadaha aan kor ku soo sheegay iyada oo la tixgalinayo mid kasta awoodeeda

Sanadkii 2003dii ayaa waxaa kormeer ku soo maray C/Hi yuusuf (AUN) ahaana markaas madaxwaynaha Buntland,markuu arkay hawsha meesha ka socota aad buu ula yaabay,uguna bogay, wuxuuna balan qaaday inuu dhiso Dugsigii Sare,dibse uguma soo noqon.

2003dii waxaa iyana soo booqday bartaas wax barasho dad ka socda hay’adda la yiraahdo UNCHR,runtii aad bay ula yaabeen wax qabadka degaankaas ka socda waxayna ku yabooheen inay dhisayaan meel dhalinrayadaasi seexdaan kana baxsan iskuulka,meel ay cuntada ku cunaan iyo foorno rootiga loogu dubo,waana fuliyeen ballankaas.

Arrintaasi waxay keentay runtii horumar wayn iyo niyadii oo noo wada dhisantahay.

2004tii waxaa iyana ku yaboohday hay’ad Islaami ah inay dhisto,qalabayso,masruufto 100 wiil oo agoon ah iskuulkana dhigtaan.

Dadbaa ka xanaaqay guushaas la gaaray waxayna keentay  in dagaal lagu qaado mashruucii laguna dacweeyo Ethiopiyaanka ayada oo lagu eedaynayo in halkaas lagu tababaro dad xag jir ah,waxa ka socdaana ay yihiin tababar ciidan kaliya, waxayse beenowday markii ay indhahooda ku arkeen waxa ka socda meesha,iyaga oo si kadis ah ku yimid halkaas.

Sanadba sanadka ka danbeeya ardaydu waa sii badaynsay,baahida mashuuruna waa sii kordhayay,waxaana na hor yimid baahi biyood.

Waxaan go’aansanay in aan ceel qodano mashruuca u gaar ah,lacagtii ku bixi lahayd ayaan u qaybinay jaaliyadaha waana soo ururunay 2004tii

Waxaan isku xirnay gudoomiyaasha jaliyadaha oo dhan xiriir joogta ah ayaana u samaynay,markii wax degdeg ah na soo foolsaaraan waxaan isku xiran jirnay telefonada oo halkaas ayaanu si toos ahn ugu wada hadli jirnay arrin kastana ku xalin jirney,waxaan isku soo qaadnay in aan shir isugu nimaadno, Dubai

2005 bishii lixaad ayaa waxaa isu yimid aniga Australiana ka socda,Sheikh Maxamed oo Nairobi ka yimid,Dr Cabdi salaam kana yimid markaas Soomaaliya,Gafaaje Matalaya Sacuudi Carabiya,Cabdisamad Cali UK iyo Bishaar Cabdi Shire wakiilna ka ahaa Emirates ka.

Sadex maalmood ayaa shirkaasi noo socoday,waxaanuna dejinay qorshihii lagu socon lahaa labada sano oo soo socda,ayna ugu horayso sidii loo dhisi lahaa Dugsi sare,tayaynta tacliinta,joogtaynta taageerada ay baxshaan jaaliyaduhu,goobtiina waxaan ku gadnay baabuur iska roga ah mushruucuna leeyahay.

Degaankii waa balaartay ardaydiina sanad ba kan ka danbeeya waa sii kordhaysay,meelo badan ayaana looga yimid wax barashadaas qiimaha leh.

2005tii bilowgeedii waxaan hirgalinay biyo galin degaanka,guri kasta in aan biyo galino la cabbi karo,hadda waxaa lagu qiyaasaa in ay ku jiraan biyo 1300 oo guri

2006dii ayaa waxaa geeeriyooday Cabdullahi Soofe waxaa badelay Cabdi Cali Faarax(Wiille)

2007dii ayaa  waxaa  nin Ingriis ah oo Christian ah saaxiibna la ahaa rag ku jirey gudigii UK, markii u arkay waxa ka socda goobtaas,wuxuu ku yaboohay $70,000 in la lagu dhiso dugsigii sare.

2007dii wafti ka kooban aniga,Maxamuud Yuusf (Amiir Maxamuud),Bile Maxamed Sugulle ayaa aadnay dalkii,si aan dibu habayn ugu samayno habka wax barashada iyo maamulka intaba,waxaan halkaas ugu tagnay waftigana ka mid noqday Cawil Cabdi faarax,

Dugsigii Sare waxaa dhismihiisa lagu qiimeeyey $110,000.

231-8a6

Waqtigaas waxaa Xamar ka soo noqday Madaxwaynihii Buntaland Cadde Muusse soona helay 3 Millian oo dollar,loona qorsheeyey in Buntland lagu hormariyo,waxaa lacagtaas soo dhiibay C/Hi Yuusuf(AUN),oo markaas ahaa Madaxwaynaha Soomaaliya

Waan u tagnay Boqorkii  ahaana madaxwaynahii degaanka waxaan u sheegnay,hawshu meesha ay marayso iyo baahida aan u qabno in naloo kabo intaas naga dhiman ahana $40,000,intii kalena u baxshay ninka ajnabiga ahi.

Madaxwaynihii balan buu qaaday,wuxuuna nagu amray in aan codsi soo qorono,wuxuuna nagu war galiyey inuu sugayo Madaxwayne ku xigeenkii iyo wasiirkii maaliyadda oo markaa hawlo ku maqnaa markii  ay yimaadaana qorshahaan waa fulinyaa ayuu ballan qaaday.

Annagga oo kalsooni ku qabna balan qaadka Madaxwaynaha ayaan ka soo laabanay, dadna ku soo reebnay  inay hawshaas sugaan ,balse nasiib darro Madaxwaynihii balankii ma fulin.

Maamulkii mashruucana waxaan ku wareejinay Cawil Cabdi Faarax,dugsigii sare maanta goobihiisii adeega waa u dhanyihiin sida fasaladiisii,musqulihiisii iyo waliba waxaa u dheer qol fadhi musqulna leh oo ay ganbdhuu ku nastaan,

Waxaa wehesha maktabad ballaaran oo ay yaalaan buug aad u badan lagana keenay USA iyo UK iyo Australia.

Cabdi Cali Faarax (AUN) wuxuu dhintay 2008dii,wuxuuna qabtay hawl runtii aad u badan kalsooni iyo horumarna keentay,markaas gudigii waa iska baaba’ay oo cid buuxisa meeshiisi dhaqso looma helin.

Maamulkii Mashruuca 2009 kii waxaa lagu wareejiyey Cumar Cabdi Barre

Dadkii deegaanku aad bay u soo bateen oo tuuladii yarayd waxay noqotay meel dadku aad u jeclaysto,sidaas darteed waxaa loo baahday bar caafimaad.

Meel intaas oo qof isugu yimaadeen aan lahayna bar caafimaad waxay noqotay wax aan la qaadan Karin,sidaas darteed waxaan bilownay dhismo Isbirtaal 2012kii.

Markaasna waxaa maamulkii mashruuca loo dhiibay Burhaan Cali Haashi

Waxaa xusid mudan hawshii oo dhexda maraysa ayaa waxaa naga kala go’ay kharajkii,hawl wadeenadayadii ayaa dad badan iridaha ku garaacay.

Waxaan la hilmaami karin Cali Haji Warsame oo ahaa markaas wakiilka hay’adda goolis markii la  hordhigay baahidii markaas taagnayd , aad buu u soo dhoweeyey,wuxuuna dadaal dheerad ah u galay sidii u dhaqaale uga heli lahaa hay’addaas,nasiib wanaag waana ka soo helay, runtii wuxuu nooga soo baxay kaalin aad u qiimo badan.

2

Isbitaalkii maanta si buuxda ayuu u shaqeeya qalabkiisuna waa u dhanyahay,dhaqtar iyo umulisooyin intaba waa loo diyaarshay,waxaana hadda ka shaqeeya 9 qof,waxaana yaal qalab baaris caafimaad sida X rays,sariiro ku filan dadka degaanka,sariiraha dhalmada, alaabta wax lagu baaro iyo Scanar  intaba wa u dhanyihiin.

Laga bilaabo sanad dugsiyeed 2013dii waxaa mashruuca maamule ka ah Cabdirashiid Farax Geelle

Wax barashadii aad bay u hormartay waxaana soo baxay dhalin yaro badan oo wax soo baratay qaarkoodna waxay noqdeen macalimiin in kalena waa  guddiga maamula mashruuca oo dhan kuwaas oo runtii gaarsiiyey horumar lataaban karo.

kuwaas oo kala a

1-Cabdifataax Maxamed Sugulle             Guddomiye

2- Xesi Aynab                                                ………………..  k/xigeen

3-Cabdiraxmaan Khaliif Wayrax

4-Xussein Abdi jaamc

5-Maxamed gaaciye

6-Cabaas cali Kaaraan

7-Ismail Salaad dahir

8-Bishaar Maxmaed caabbi

231-8a5

2013kii waxaan hay’ad Kuweyti ah ka helnay in ay ceel kale noo qodaan mar haddii dadkii iyo degaankiiba sii fidayaan,waana naga balan qaadeen.

Waxaa qodidii ceelkaas qandaraas ku qaatay wiil u dhalay Maxdawaynihii markaas Buntland lana oran jirey  Cabdirahman Faroole.

Wiilkaasi (Cusman) markii ceelkii u qoday waxaa loo dhiibay lacag dhan $113050, waxaana la faray inuu soo gado matoorkii iyo haantii biyaha lagu kaydin lahaa, una dhiso meelihii xooluhu ka cabbi lahaayeen iyo labo qol oo midna la dhigo Matoorka midna waardiyihu seexdo,iyo inuu dhiso meelihii laga dhaamin lahaa booyadaha,arrimahaas waxaa loogu talo galay $53050

Wiilkaasi lacagtii markii u gacanta ku dhigay waa la goostay waana diiday inuu qalabkii keeno ama lacagtii soo celiyo.

2014/15 waxaa la furay wax barasho farsamadii gacanta waxaana ku bilownay koronto,tima jare iyo cillaan gabdhaha loo mariyo

5 julay 2014 ayaan Cadirahmaan faroole kula kulmay Melbourne,waxaan ka codsaday inuu arrinkaas wax ka qabto,sadaqo dawlad shisheeya ahi ku sadaqaysatay  dadkii u madaxda u ahaa in wiilkiisu dhaco wax la filayey maaha wax isaga qabatana ma ahayn .

Markii aan arrinkaas u soo jeediyey waxaa nala joogay oo aan markhaati ka dhigtay in ay lla ogaadaan Cabdi weli Hersi oo u ahaan jirey wasiir ku xigeen maamulkiisii iyo Cumar dhoolawaa ahaana madaxa qurbajoogta Buntland ee Australia waqtigaas.

Ninkaas wayn wuxuu noogu jawaabay markii aan u soo jeediyey arrinkaan hadalka soo socda,wuxuuna yiri”Anigu ma rabo in lay dabo wado waxaan ka soo tagay”.

Aniga iyo labadii nin oo ila joogtayna aad baan ula yaabnay.

 

231-8a4

Warqadan kore ee ku qoran Afka Carabiga waxay Caddaynaysaa Lacagta uu ku qaaday Ina FAROOLE Ceelka Bur Saalax, taasoo ahayn $113050 laakiin uu dhacay lacag dhan $53050.

Labadii nin ayaa yiri bal noo daa annaggaa la soo hadlaynee,waxay igu soo noqdeen 14 agoosto iyaga oo leh wuxuu taagan yahay “wax iga galay maleh arrinkaas”

Hadalakiisu wuxuu u egyahay inuusan markii horeba mashruuca dhaceen  haddii u hadda wax ka qabanayo.

Dadaal badan ka dib ceelkii waa dhamaystirnay oo maanta wax ka dhiman ma jiro,laakiin waxaan rabaa in dadku ogaadaan dhibaatada maamulkii FROOLE u gaystay mashruucaas.

22

Madaxwayne Maxamed Cali gaas wuxuu soo booqday mashruuca 8/8/2015kii wax buuna balan qaaday welina waa sugaynaa,bal aan aragno ilaa u ka dago mansabka inuu oofiyo balankii u qaaday iyo innuu raaco jidkii  kuwii ka horeeyey, halkan ka daawo Booqashadii Gaas ee Bur Saalax.

Waxaan dadka arrinkaan daneeya xusuusinayaa kaalinta ay kaga jiraan hawshaan socodsiinteeda ilaa markii la bilaabay hantiilayaasha shirkadda Al Fadli,kuwaas oo kala ah

1-Cabdirizaaq Maxamed Sugulle

2-Cabdi nasir Maxamed Hussein Gurey                     

3-Axmad Xusseen Gurey

Waxaa kale oo isna muddan in la xuso Cabdiwaaxid Faarax(AUN) kaas oo intii usan dhiman ka qabtay hawshaan wax aad u badan

runtii waxaan qabaa haddii aysan mar kasta la garab taagnayn taageero in mashruucaani dhib badan mudan lahaa,alle haka abaal mariyee.

19/10/2016kii waxaa la dhagax dhigay dugsigii farsamada iyo koleejo ay seexdaan wax ka cunaan  kuna bartaan 80 gabdhood oo agoon ah,waxaa rajaynayaa in ay sanadka danbe soo xeroon doonaan

Hoos ka daawo Munasabadii Dhagax dhiga

Waxaa xusid mudan in dadka ka tirsan degaankaas oo dibedda jira qaar ka mid ahi ay qayb wayn ka qaataan socodsiinta hawshaan ilaa maalintii la bilaabay,qaar kalena aysan ba ogayn inay jirto bal wax ka qabasho daayoo.

Waxaana kula dardaarmi lahaa in aysan ka gaabin kana qayb qaataan ajarkaan socda

 

Sanadkaan 2016/2017 ardayda wax ka barata iskuulka waa sidaan

 

Dugsiga Sare                                                             310 Arday

Dugsiga hoose dhexe                                              800

Wax barashada dadka waawayn                            30

Isugayn                                                           1113 arday

Dugsiga Sare ilaa hadda waxaa ka baxay           111

Intoodii badnayd waxay hadda ku jiraan jamacado adduunka ah,qaarkoodna intay soo dhamaysteen jaamicadii ayey hadda macalimiin ka yihiin iskuulka,qaar kalena shaqo ka heleen meelo kale.

Shaqaalaha Mashruuca   waa 70 qof oo isugu jira macalimiin iyo shaqaale kale

Halkan ka daawo Isku daygii lagu Guulaystay ee Mashruuca Horumarinta Buursaalax

Waxaan rajaynayaa in heerarkaan u soo maray mashuucu lala socodsiiyo ardayda wax ka barata marshuuca si ay u ogaadaan waxa loo soo maray tacliintooda,ayna kala gartaan cidii wax tartay iyo kuwii dibin daabyeey.

Waxaan aad ugu faraxsanahay inay soo kaceen dhalin yaro waxbartay hawshiina ka sii wada meeshii dadka hadda gaboobay soo gaarsiiyeen.

 

Waxaa diyaariyey

Xassan Yuusuf Cali

10/10/2016