Daawo Video-SAWIRRO: Bursaalax oo ay Wasaarada Waxbarasha Puntland ay ka Dhagax Dhigtay Kuleej Gabdho

21 2016 (Puntlandes) Waxaa Arbacadiioo ay taariikhdu ahays 19/10/2016 lagu qabtay magaalada Bursaalax Munaasabad wayn oo lagu Dhagax dhigay:

  1. KULEEJKA GABDHAHA OO HOOSTAGAYA MASHRUUCA.
  2. DUGSIGA FARSAMADA GACANTA OO HOOS TAGAYA MASHRUUCA.

Munaasabadda ayaa ka qabsoontay Xarunta Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax, gaar ahaan Dugsiga Sare Ee Mashruuca.

1

Munaasabada oo si wayn loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay:

  1. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ee Puntland Dr Mohamed Ali Farah
  2. Agaasimaha Guud Ee WWTS EE PL Mr Mohamed Abdikadir
  3. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Xasan Maxamed Khalif Abgaalow
  4. Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Mudane Bashir Axmed Khalaf
  5. Madaxa Hay adda Care International ee Mashruuca SOMGEP Mr Abdiqafar Abdulkadir
  6. 6.Engineerka Hay adda Care Mr Hussien
  7. Aqoonayahan Xaaji qodhob iyo Cabdinasir dhagaburo oo kasocday Jaaliyadaha Dibadda.
  8. Agaasimaha Mashruuca Abdirashiid Faarax X Warsame
  9. Mr Mohamed Abdikadir Nur Xoghayaha Guddiga BOD KA.
  10. 10.Maamulayaasha Labada Dugsi
  11. Guddiga waalidiinta Dugsiyada
  12. Hal abuurka Ardayda
  13. Odoyaasha Dhaqanka Ee Bursaalax

Ugu horayn Gudoomiya Bursaalax ayaa aad ugu mahadceliyey maamulaha Mashruuca Horumarinta Bursaalax Mr Cabdirashiid Faarax Xaaji-warsame (Qalinle), wuxuuna daboolka ka qaaday inay iminka reer Bursaalax ku guda jiraan inay Jaamacad ka hirgeliyaan magaalada Bursaalax si ay uga faa’iidaystaan da’yarta reer Bursaalax.

Kadibna waxaa hadalka qaatay maamulaha Mashruuca Horumarinta Bursaalax Qalinle oo u mahadnaqay dadkii kasoo shaqeeyey iyo ka qaybgalayaasha Munaasabadda ka dibna dul maray Horumarka xagga Waxbarashada ee lagu gaaray “ISKU TASHIGA” ee ka hirgalay Bursaalax.

Qalinle ayaa ayaa yiri “Bursaalax waxay soo martay marxalado kala gedisan Bursaalaxda Casriga ah,,runtii Safar dheer bay soo gashay wuxuu na soo kordhiyey wax badan ilaa 6 Iskuul baa oo kan Sare hogaanka u yahay iyo 5 Hoose/dhexe ayaa ku taala Bursaaalax waxaana wax ka barta dhowr kun oo Arday,, 1998dii ka hor Bursaalax ma lahayn wax dhaafsiisan Dugsi Qur’aan…”

Kadibna waxaa hadalka qaatay C/qafaar oo ka socday Hay’adda Care oo fulinaysa Dhismaha Koleejka isgoo si waafiya u faahfaahiyey sababta keentay in Kuleejka Gabdhaha laga Fuliyo Bursaalax.

C/qafaar ayaa wuxuu yiri “dhismaha Kuleejka waxaa loola jeeda maadaama ay Bursaalax ku guulaysatay oo ay Taabogal noqotay 15kii sano ee dambeeyey in dhalinyaro wiilal ah la xareeyo Boodhin ahaan oo Soomaaliya aad ugu yar magaalada Bursaalax na ay Calanka u sidato meel kale oo la mid ah ma jirto, anagoo kaashanayna Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxaa ku guulaystay Bursaalax, iyadoo sababaha ay ugu guulaysatay ayaa ah waa Bulsho isku tiirsan, Bulsho aan Hay’addo sugin…. maadaama aad reer Bursaalaxoow ku guulaysateen inaad Wiilal badan soo saarteen waxaan idin kaga fadhinaa inaad soo saartaan Gabdho badan kaalimo waawayn ka gala Deeqa waxbarasho ee ay bixinayso dawlada Puntland sida Wiilasha..

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ee Puntland Dr Mohamed Ali Farah iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashadda & Tacliinta Sare EE PL Mr Mohamed ayaa reer Bursaalax uga mahadceloiyey Isku Tashiga ay Degaankooda ka hirgeliyeen sheegayna in reer Puntland ay ku daydaan Reer Bursaalax.

ugu horayn Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashadda & Tacliinta Sare EE PL Mr Mohamed ayaa sheegay inay Isticmaalaan erayga ah “ku dayo reer Bursaalax”.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ee Puntland Dr Mohamed Ali Farah ayaa dhankiisa u mahadceliyey reer Bursaalax wuxuuna sheegay in Mashruucaan uu yahay mid aad iyo aad u qiimo badan wuxuuna yiri “reer Bursaalax EEX laguma siin, Qaraabonimo laguma siin ee tartan furan oo ay galeen ayey ku heleen”

Halkan ka akhriso kana daawo sawirro la xiriira Dhagax dhigaan

Daawo Munaasabadda Dhaxdhiga


Puntlandes.com

About The Author