Daawo Vido-dhmaystiran: Safarkii Madaxweyne Gaas ee Dhagacyo Cadde, Beyra, Xero Jaale, Galdagob iyo BURSAALAX iyo Sida Diiran ee shacabku usoo dhoweeyaan madaxdooda

 

30 Sep 2015 (Puntlandes)Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali GAAS ayaa dhawaan waxa uu booday Deegaanada galbeedka Gobolka Mudug oo kala ah Dhagacyo Cadde, Beyra, Xero Jaale, Galdagob iyo BURSAALAX iyadoo ay halkaas si diiran ugu soo dhaweeyeen shacabka Degaanadaas.

Booqashada madaxweynha ee Bursaalax (daqiida 21:30)

1a

Madaxweymne GAAS iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen magaalada Bursaalax (daqiida 21:30) waxaa si diiran oo aad u heersaraysa usoo dhaweeyey Shacabka reer Bursaalax oo ka kooban qaybahooda kala duwan iyagoo madaxweynaha uga hortagay meel magaalada ka baxsan.

Madaxweymne GAAS ayaa waxa uu ku dhex lugeeyey magaalada Bursaalax isagoo u mahad celiyey dadweynihii soo dhaweeyey.

Madaxweymne GAAS ayaa waxa uu ugu dambayn Booqasho u kuurgal ah oo waqti badan qaadatay ku tagay Mashruuca HORUMARINTA BURSAALAX oo maamula Iskuulo (goobo waxbarasho oo qaybo kala duwan leh), Biyo siinta magaalada Bursaalax, Isbitaal iyo Beer wayn.

Waxaa ugu horayn hadalka qaatay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya sida shacabka Bursaalax isugu TASHTEEN “Madaxweyne, Puntland hal ku dhageeda oo ah ha isku tashato waxaa halbeeg u ah, oo reference u ah, oo laga DUULAY waa ISKU TASHIGA BURSAALAX… Mudane madxweyne Bursaalax TUSAALE ayey u tahay Degaanada reer Puntland… qaabka looga shaqeeyey, qaabka isku TASHIGA ah, qaabka WADAJIRKA ah iyo qaabka KHILAAH LA*AANTA ah ee dadkaasi dhamaan isugu duuban yahay, xataa MIYIGA, TUSAALE IN LAGA DHIGO, ABAAL MARINA AY QAATAAN waan codsanayaa madaxweyne”

Intaas kadib waxaa hadalka lagu soo dhawaeynayaa Madaxweyne GAAS oo qudbad aad u dheer halkaas ka jeediyey, isagii ku bilaabay “Way nasii farxad gelinaysaa markaan aragno wajiyadiina quruxda badan iyo sida aad u labisan tihiin iyo sidaad u faraxsan tihiin, anagana farxad gaar ah ayey noo sii tahay RUNTII”

22

Madaxweymne GAAS ayaa u muhadnaqay dhamaan Gudo iyo Dibadba dadkii kasoo qayb qaatay hadana ku hawlan MASHRUUCA HORUMARINTA BURSAALAX isagoo yiri “waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa intii ku dadaashay, isku taxalujisay, bilowday ilaa hadana ku hawlan MASHRUUCAN aadka u wanaagsan, Aakhiro iyo aduunba wanaagsan, aad bay ugu mahadsan yihiin waana ku boorinaynaa, kuna dhiiri gelinaynaa inaysan ka daalin, oo ay u dhabar adaygaan, haddii ay wanaagaas badan muujeena Allah waxaan ka baryayaa inuu la fududeeyo, wanaagaasna uu si fiican u dhamaystiro”

GAAS ayaa intaas kusii daray “Runtii markaan dhaqanka Soomaalida arko isma oran MASHRUUC intaas tiro le’eg ayaa Bulshada ayadoo isku tashatay .. ayey samayn karaan, RUNTII WAX lala yaabo weeye, maaha wax CAADI ah.. Horaa Soomaalidu waxay u tiri RAG/DUMAR tashay Cir waa toli karaan Taako labadeede, dadku markii ay AWWODOODA ay AAMINAAN iskuna Tashadaan wax badan ayey qaban karaan, WAYNA MUUQATAA MAANTA WAANA MIDA AY REER BURSAALAX MUUJIYEEN”

6

Madaxweymne GAAS ayaa sii raacshay “waa Runtiis Wasiir C/rashiidaragtidan waxa meeshan ka socda Soomaali oo dhan ayey gaaraysaa, Puntland oo dhana waa wada gaartay, yacni wanaaga iyo ARAGTIDA FOG iyo dadaalka intaas tiro leäeg in BEESHU FUSHATAY waa wax la idiin ogyahay in badana ka warqadto. Jariiban ayaa iyadi Dhitii iyo Deegaankiiba badbaadiyey laakiin badbaadada Cawsha waxaa ka horeeya Badbaadada dadka, marka BURSAALAX DADKII bay badbaadisay Jariibana Deegaankii labaduba waa mahadsan yihiin”

Madaxweymne GAAS ayaa kula dardaarmay reer Puntland meel kasta oo ay joogaan inay taageeraan Mashruucan, waxay ku darsan karaana ku darsadaan waxaa yeelay ayuu yiri waa Khayri, waa wax wanaagsan isagoo Madaxweymne GAAS sheegay inuu si Shaqsiyan ah ugu qaybqaadanayo Marshruuca Horumarinta Bursaalax, wuxuuna ka codsadau guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan reer Puntland inay ka qayb qaataan Mashruuca.

Puntlandes.com

About The Author