Maqaal: Anshax Wanaagii Golaha Wakiilada Puntland: Kala Fadhigoodii 38aad

War Bixintii Madaxweynaha

Madaxweynaha Dawladda Puntland, Mudane Cabdiwali Maxamad Cali Gaas, war bixin dheer ayuu ka bixiyey wixii u qabsoomay dawladda uu madaxda ka yahay intii u dhaxaysay kala fadhigan Golaha Shacabka iyo kii ka horeeyey. Dabcan waa wixii loo igmaday markii horeba, oo waajibkoodii ayey guteen, caadiyana ma aha in loogu sacabo tumo. Laakiin daruufaha jira awgood, waxaan qabaa in Madaxweynaha iyo golihiisa lagu bogaadiyo wax qabadkaas,inkaste ha le’ekaado, laguna dhiiri galiyo inay sii laba laabaan awoodooda maadaama baahiyaha deegaanka ka jira ay aad iyo aad u baaxadwaynyihiin.

Anshaxa Golaha Shacabka

Khudbaddii Madaxweynaha ka dib waxaa bilowday suaalihii xubnaha Golaha Wakiilada. Waxaa ahaa wax aad iyo aad loogu farxo, in lagu daydana mudan sidii anshaxa iyo asluubta lahayd ee ay xildhibaanadu fikirkooda iyo suaalahooda u dhiibanayeen. Intii an shaashadaha ka aragnay, waxaad arkaysay xildhibaan walba oo leh mudane Madaxweyne waxaan ku weydiinayaa sidaa iyo sidaa…Mudane Madaxweyne waxaan qabaa sidaa iyo sidaa…Hadaad rabto in lagu xushmeeyo oo lagu qadariyo, waa inaad marke hore adigu wax xushmaysaa oo wax qadarisaa. Dabcan, tani waxay ku tusaysaa bisaylka ay gareen xubnaha Golaha Shacabka Puntland, tusaale wanaagsanna u noqon karta xildhibaanada goleyaasha shacabka ka jira Soomaaliya inteeda kale.
Mar walba waa in maanka lagu hayo waxa laga wada hadlayaa ama Madaxweynaha iyo golihiisa la weydiinayo yihiin maslaxadii deegaanka iyo dadka. Wixii lagu kala aragti duwan yahay waxaa muhiim ah in laga wada hadlo, wax la iska weydiiyo, dabadeedna xooga la saaro sidii la iskugu soo dhawaan lahaa. Wixii la isku mariwaayo, waxaa iyaduna waajib ah in lagu kala baxo dastuurka iyo shuruucda taala. Waa sida kaliya oo kala danbayn, xasilooni, iyo is ixtiraam lagu heli karo, horumarna lagu gaari karo. Haddii ay dhacdo ma caraatanaa, ma cawaysinaa… iyo midi midi ku taag, waxaa dhacaysa in goox walba qar dheer fuusho, diido inay ka soo dagato, dabadeedna maslaxadii dadka iyo deegaankuba halkaa ku lumaan, taasoo burbur horseedi karta.

Suaalihii La weydiiyey Madaxweynaha Qaarkood

Xildhibaanadu suaalo badan oo muhiim ah ayey Madaxweynaha weydiiyeen. Suaalahaasu waxay salka ku hayeen dhanka dhaqaalaha, amniga, iyo wada-shaqaynta (ama wadashaqayn la’aanta) golayaasha dawladda.
Dhanka dhaqaalaha, waxaa uugu muhiimsanaa sida an isleeyahay laba lacagood oo Madaxweynaha wax laga weydiiyey:
1) Lacag $7,500,000 oo la yiri Dawladda Federaalka ayaa siisay lacagtaas Puntland, wxayna ka mid ahayd lacag deeq ah oo dibeda laga soo diray. Dabcan, Madaxweynuhu wuxu yiri mana araga mana urin lacagtaas. Qir iyo qir. Shakhsi ahaan ma qabo in Madaxweynaha Dawladda Federaalka, Mudane Xassan Sheikh, wax horumar ah u ogolyahay Puntland. Wuxuu siiyo iska daaye, wuxuu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay inuu ka hor istaago waxay iyadu iskeed usoo saaran lahayd. Balse Soomaalidu waxay tiraahdaa kolba un sidaas badane waa loo gogol badiyaa. Haddii Mudane Xassan Sheikh buugaag ku soo daabacday inu miisaaniyad ahaan Puntland iyo gobolada kale lacag siiyey, hala dabagalo. Waxaan qabaa Golaha Shacabka iyo saxaafaduba inay daba galaan, dawlad goboleedyada kale la waydiiyo inay wax ka ogyiin lacagaha noocaas ah, in iyaga wax ka soo gaareen. Waa in laga jiba gaaraa (Follow the money trail).

2) Waxaa kaloo Madaxweynaha wax laga waydiiyey lacag kale oo  dhan $6,600,000 oo ka baxsan qondihii loogu talagalay kharashka Madaxtooyada, lacagahaasuna, sida la yiri, ay ka maqanyihiin mushahaaraadkii la siin lahaa ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha kala duwan ee Dawladda Puntland. Waxaa kaloo intaas lagu daray in lacagtan badideed  ku baxday safaro isdaba jog ah iyo wax yaala kale oo la mid ah.

Markale, Madaxweynuhu wuxu ku jawaabay inuusan lacagtaas ka war hayn. Wuxuu ku daray Madaxwynuhu in Madaxtooyada ay ku baxdo kharash dhan $90,000 bishii ($1,080,000 sanadkii). Hal malyan iyo lix malyan farqi wayn ayaa u dhexeeya. Waa kaaf iyo kala dheeri. Waa macquul haddii uu Madaxweynuhu leeyahay lacagtaan badideed waxay ku baxday dagaalada jogtada ah ee lagula jiro argagixisada iyo kuwa kale oo beryahaan soo noqnoqonayey. Laakiin waxaa ka muuqata hadalada xildhibaanada lacagtaan ka hadlay in lacagtaas badideed ku baxday safarada badan ee Madaxweynaha iyo marti sooro badan.

Dabcan, lacagtani waa lacag laga saaray khasnadii dawladda, la is oran karo waxay leedahay raad la raaco. Ha lagu noqdo haydii soo gudbisay bixiska lacagtaan, iyo ciddii qaadatay. Dabadeedna ha laga wada hadlo oo halaysla goorfeeyo sidii wax loo furdaamin lahaa. (Again, follow the money trail).

Dabagalka lacagahaas muddo ayey qaadanayaan. Wixii hadda ka danbeeya, sida ay Xildhibaanadu soo jeediyeen oo ah war waxa yar ee an haysano hala beekhaamiyo oo ha la tashiishto waa talo wanaagsan, mudana in lagu wada dhaqmo.

Arimaha kale qoraal danbe ayaan ku soo qaadi doonaa, Idinka Ilaahay.

231-4a5

Rabbow Tubta Toosan, Aamiin.
Abdihakim H. Hersi
ahhersi@outlook.com
dhagaseynbloc.wordpress.com

About The Author