Labo Kamid ah Aqalka Hoose ee Barlamaanka Soomaaliya Oo Ladooranayo.

November 05 2016 (Puntlandes)-Wararkii ugu dambeeyey ee aan kahelayno magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in doorashada aqalka hoose ay saaka ka duwan tahay sidii hore ayna kadhacayso hal meel.

Doorashada ayaa saaka kadhacaysa xarunta jaamacadda Bariga Africa ee magaalada Garoowe, waxaana lasoo dooran doonaa labadii xubnood ee kadhimanaa 12 kursi ee shalay laqorsheeyey doorashadooda.

Maalinkii shalay oo doorashada ladaahfuray ayaa waxaa ergooyinka dooranaya xubnaha aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya waxa ay doorteen 10 xildhibaan oo kasocdey beelo kala duwan.

About The Author