”Hiigsiga 2016 ka siyaasad waa ka madaxbanaan yahay” Wasiirka Qorshaynta Puntland

130

Gaalkacyo (Pes) Tv ga ku hadla afka Xukuumada uu hogaansho madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali (MOOGE) ayaa maanta. 02 da okt 2014, soo daayey waraysi uu la yeeshay wariye Sakariye Khaliif Faarax Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland mudane Cali Axmed Faatax.

 

Wariye Sakariye ayaa wuxuu wasiirka waydiiyey su’aal ay shacabka Puntland jawaaab u la’aayeen kuna cuslaatay waxayne su’aashu ahayd sidan ”Shacabka Puntland waxay iswaydiinayaan sababta aad wafti ugu dirteen Xamar iyadoo aysan sheshiinin ama wada hadlin dowlada Puntland iyo DFS”

 

Waxaa cajiib noqotay sida uu uga jawaabay wasiirku wuxuuna yiri ”Waa run Wafti culus baan Xamar u dirnay, shirka Hiigsiga 2016 kana kuma saabsana siyaasad ee wuxuu ku saabsan yahay Farsamo iyo Qorshayn, wax la wada qorshaysanayo”

 

Wuxuu kaloo intaa ku daray wasiirku in Xasan Culusoow isku diyaarinayo shir November sanadkan ka dhacaya Wadanka Denmark oo ku saabsan Hiigsiga  2016 ka.

 

Magaca MOOGE Dr Cabdiwali kuma qaadan iska dheh ee waxaan ku baranay isaga iyo Xukuumada uu hogaansho in aysanba ogayn waxay leeyihiin iyo waxay samaynayaan.

 

Aan iswaydiinee maxuu ku salaysan yahay Barnaamijka Hiigsiga 2016? Siyaasadna maka madaxbanaana karaa haddiiba uu ku saabsan yahay 2016 ka? Yaa wax wada Qorshaysta horta? Ma dad is ogol mise kuwo aan heshiisba ahayn?

101

Wasiirka wuxuu shacabka u bayaamiyey intii ay awalba saxaafada xorta ah ee reer Puntland qoraysay, halkan ka akhri Warbaahinta caalamiga ah Puntlandes wixii ay ka qortay, oo ahayd in waxa kaliya ee waftigaas uu dhuumashada ugu diray madaxweyne MOOGE in ay tahay in ay fuliyaan rabitaanka Xsan Culusoow oo rabay saxiixooda si uu u fuliyo sharuudii ay Beesha Caalamku ku xirtay bixinta lacagtii ay u balan qaadeen wadankii la isku oran jiray Somalia.

 

Jawaabtii ay raadinayeen hele shacabka Puntland hadaba waxaa la sugaaba waa jawaabta ay ka bixiyaan baarlamaanka matala shacab Puntland oo dulqaadkii ay u hayeen Xukuumada MOOGE ka idlaaday

 

Puntlandes.com

 

 

About The Author