Madaxweyne Gaas oo kusoo wajahan Galakacyo & u diyaargarawga wadahadalada Puntland & Galmudug oo socda

11 nov 2016 (Puntlandes) Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa kasoo ambabbaxay magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland si ay Goobjoog uga noqdaan wada xaajoodka Gaalkacyo ka dhacaya kaas oo colaada ka aloosan lagu soo afjarayo.

gaas1-764160

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Wafdi ka socday dawlada Puntland iyo Waxgaradka magaalada Gaalakcyo inay wadeen u diyaargarowga Wadahadalo Xal waara looga gaaro hibaatada magaalada Galakcyo kusoo noqnoqtay.

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ogaatay in dawladda Puntland ay uga dambayn doonto wadahadalada Gaalacyo Waxgaradka iyo Odoyaasha Gaalkacyo oo yaqaana kana soo shaqeeyey Nabadda Gaalkacyo oo aan la Siyaasadayn doonin.

Dhanka kale kale waa la filayaa in Gaalkacyo ay maanta oo jamce ah soo gaaraan wafuud caalami ah iyo Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Wararka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

 

About The Author