Prof Gaandi oo ka mid noqday Aqalka Hoose ee Somaliya iyadoo horay la sheegay inuu Dagaal Ooge uga guulaystay Aqalka Sare

12 nov 2016 (Puntlandes) Prof Maxamed Cabdi Gaandi ayaa ka mid noqday Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya iyadoo horay loo sheegay inuu Dagaal Ooge Axamed Xaashi uga guulaystay Prof-ka Aqalka Sare.

231-7a5a

Prof Gaandi si aqlabiyad leh ugu guuleystay kursiga Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib arkii looga Tanaasulay doorasho ay ahayd inay ka dhacday magaalada Kismaayo.

Prof  Gaandi ayaa helay dhammad cododka Ergooyinka dooranayay xubnaha Aqalka hoose ku matalaya Jubaland, kadib markii musharixii la tartamayay Prof Gaandi uu ka tanaasuley, sheegeyna in xilkaasi uu u qalmo Prof. Maxamed Gaandi.

 

Guddiga doorashada ayaa ka baaqsaday in codeynta sanduuqa lagu rido, taasi badalkeedana ergada ayaa loo ogolaaday in ay si gacantaag ah codka u dhiibtaan, iyada oo ergada oo dhan ay wada codeeyeen.

Prof. Gaandi ayaa horey looga guuleystey kursiga aqalka sare, taasi oo ay codka dhiibayeen xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland.

Waxaa la yaab ku noqotay dhamaan umadda Soomaaliyeed in Prof Gaandi uu kga guulaysto AQALKA SARE DAGAAL OOGE AXMED XAASHI oo hal mar magaaladala Kirsmaanyo gacantiisa ku dilay ummad Soomaaliyeed oo ka badan 200 qof dabayaaqadii 1993dii.

Hoos ka akhriso maqaalo ay ka qortay Warbmaahinta Puntlandes:

Gacan ku dhiigle Axmed Xaashi oo Barlamanka Jubaland u doortay Aqalka Sare kana guuleystay Pof Max’ed Cabdi Gaandi

AKHRISO MAGACYADA DADKII SHACABKA AHAA EE UU KISMAANYO KU XASUUQAY AXMED XAASHI OO IMINKA KA MID MUSHARIXIINTA AQALKA SARE

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Delegates celebrating with their candidate r their MP after the victory, during the electoral process to choose members of the Lower House of the Somali Parliament in Kismaayo, Somalia on November 12, 2016. AMISOM Photo / Awil Abukar

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Puntlandes.com

About The Author