Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Si Rasmi ah u Daah-furay Shirka Nabadaynta Gaalkacayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 12 Nov, 2016 si rasmi ah u daah-furay shirka nabadaynta iyo xallinta khilaafka magaalada Gaalkacayo ka aloosan.

Shirkaas oo ay kasoo qayb galeen wufuud ay kala hogaaminayeen Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay Michael Keatin iyo Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Sidoo kale Shirka nabadaynta Gaalkacayo waxaa Madaxweynaha Dawladda Puntland kala qayb galay xubno ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada, masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland, cuqaasha gobolka mudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay shirka nabadaynta magaalada Gaalkacayo ayaa tilmaamay in Dawlada Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn isla markaana ay diyaar u tahay tallaabo kasta oo loo qaadayo dhinaca nabadda iyo xakamaynta colaadda magaalada Gaalkacayo.

” Sanadihii udanbeeyey waxaa Dawladda Puntland iyo shacabkeeda loo geystay dhibaatooyin baaxad weyn oo ay ugu horeeyaan weeraro joogto ah, bara-kicin, iyo in laga hor istaago horumar ay wadeen, waxaa sidoo kale la laayay waxgaradkii furaha u ahaa nabadda, Puntland cidna duulaan kuma aha balse waa waajib diini ah inaan is difaacano sharafta , karaamada iyo maalka dadka Puntland, maanta waxaan isugu nimi in dhibta Gaalkacayo nabad iyo xal waara laga gaaro haddii alle idmo” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa isaguna dhankiisa sheegay oo yiri

” Waxaan aaminsanahay in magaalada Gaalkacayo ay ku noolyihiin dad walaalo ah oo isku mid ah, ayna waajib tahay in ay magaalada ku wada noolaadaan, Galmudug ahaan diyaar ayaanu u nahay in xal loo helo xaaladda magaalada Gaalkacayo”.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo isaguna hadal kooban jeediyey ayaa dhankiisa tilmaamay oo yiri

” Waxaa muhiim ah in wada hadalka maanta furmay uu sii socdo ilaa xal kama dambays ah laga helayo, bulshada Gaalkacayona ay horumar iyo barwaaqo ugu noolaadaan”.

Dhinaca kale xoghaya qaramada midoobay u qaabilsan Sooomaaliya Danjire Michael Keating ayaa isaguna sidoo kale yiri

” Dagaaladii u danbeeyey ee Gaalkacayo waxaa ku dhintay 45 qof, waxaana barakacay 90.000 oo qof, dagaalkan ma jirto cid guul ka gaaraysa balse guul darro iyo khasaare ayaad kala kulmaysaan waana muhiim inaad keentaan sidii loo joojin lahaa” ayuu kusoo koobay hadalkiisii.

Ugu danbayntii: shirka nabadaynta ee magaalada Gaalkacayo ka furmay maanta ayaa la isku afgartay in la dhaqan geliyo heshiiskii xabad joojinta ee lagu gaaray magaalada Abu Dhabi 02 Novebmer 2016, isla mar ahaantaana waxaa la isla qaatay in socodsiintiisa guddiyo loo saaro labada dhinac ah.
img_4246 img_4259 img_4262 img_4263 img_4265 img_4271 img_4275 img_4295 img_4297 img_4309 img_4310 img_4318 img_4329 img_4338 img_4344 img_4358 img_4363 img_4367 img_4368 img_4369 img_4371 img_4376 img_4380 img_4386 img_4390 img_4391 img_4393 img_4396 img_4398 img_4411 img_4416 img_4433 img_4440 img_4442 img_4450 img_4454 img_4457 img_4466 img_4467 img_4469 img_4470 img_4471 img_4476 img_4481 img_4484 img_4499 img_4505 img_4529 img_4531 img_4535 img_4538 img_4543 img_4546 img_4547 img_4550 img_4552 img_4557 img_4566 img_4567 img_4570 img_4576 img_4584 img_4587 img_4604 img_4610 img_4615 img_4619 img_4631 img_4638 img_4643 img_4662 img_4665 img_4709 img_4711 img_4722 img_4739 img_4743 img_4759

About The Author