DEG DEG+COD-Xasan Sheekh Oo Kudhawaaqay Shir Kadhan ah Kan Kismaayo.

November 18 2016 (Puntlandes)-Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah u ah maamulka Jubbaland waxaa 20-ka bishaan ka furmaya shir ay dowladda Imaaraadku hormuud katahay oo dhexmaraya RW Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

HadabaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo bartiisa Facebook Muuqaal kooban soo dhigay ayaa wuxuu sheegay in Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shir-weyn oo la yiraahdo tallo-Qaran oo lagu qaabeeynayo tallooyinka Soomaaliyeed ee dalka iyo debadba laga soo ururiyey ee noqonaya howalaha dowladda cusub ee 2016-2020 laga sugayo ee ay dadka Soomaaliyeed ku tallo bixiyeen.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay soo gudbiyaan fikradaha dalka lagu hormarin karo.

DHEGEYSO

About The Author