Sawirro: Wasaaradda Deegaanka & maamulka Degmada Galkacyo ayaa kala saxiixday mashruuc NRM JPLG oo ah dhirayn 2000 oo geed

20 nov 2016 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Dr Ali Abdullahi Warsame iyo Duqa degmada Gaalkacyo mudane Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa kala saxiixaday Mashruuc NRM JPLG oo ah dhirayn 2000 oo Geed.

Geedahan gaaraya 2000 ayaa lagu dhiraynayaa magaalada Gaalkacyo si bilicdeeda kor loogu qaado, iyagoo lagu beeri doono wadada dhawaan la dhisay ee aada Abdulahi Yusuf Airport tagtana Suuq Xerro Dayax.

Daawo Heestii lagu soo dhaweeyey maamulka Degmada Gaalkacyo

Maamulka Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ee uu hogaanka u yahay mudane Maxamuud Yaasiin Tumey  ayaa waxay ka qabteen magaalada mudadii yarayd ee ay jireen howlo aad u badan oo isugu jira maamul tayayn, dhismayaal cusun, dayactir kuwii hore iyo dib u dhis kuwii ku burburay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee lagu soo qaaday magaalada Gaalkacyo.

Daawo sawiirrada
232-4a5a

232-4a6

232-4a7
Puntlandes.com

About The Author